Hadii ay ahayd Hargeisa hoygii fanka maanta waa hoygii diinta iyo culimada somalida ee dhaqanka hala dhowro

Haa waa hoygii fanka Hargeisa lakiin fankii ka bilaabmay 1935kii Somaliland wuxu ahaa fan ka badhax tiran dhaqamo shisheeye oo lasoo waarido oo runtii ku dayasho xun. Wuxu ahaa fan ay ku dheehantay dhaqanka wanaagsan ee somalida ee ku dhisan diinta suuban ee islaamka. Wuxu ahaa fankii Hargeisa lagu aas aasay mid dadka kuwa ugu dhaqan ilaalinta badani ku jiraan haday Gabayaa tahay iyo haday heesaa tahay iyo abwaan tahayba.

Bilowgii fankii ka bilaabmay Somaliland xataa heesaha hablaha rag ayaa qaadi jiray iyadoo la ixtiraamayo hablaha oo la dhowrayo qiimaha iyo qiyamka ay bulshada ku leeyihiin. Waxaa maanta fanku qiimo ku leeyahay dalka #Sudan dadka fanka kujiraa waa kuwa bulshada ugu miisaanka iyo qiyamka culus xataa culimada ayay ka metalaan akhyaarnimada oo xitaa balwad ma yeeshan wayo waxay ogyihiin inay ururada bulshada kamidyihiin waa wacyi galinta dadka oo dhan.

Hadaba maanta fankii ku dhashay hargeisa ee ku qaangaadhay gobaladii waqooyi la odhan jiray wuxu ku dhintay Muqdisho iyo gobaladii konfur la odhan jiray waqtigii Somalia la isku ahaanjiray. Fankii somalida maanta wuxu isu bedalay yaa balwad xalaashaday iyo dhaqano xun xun oo qurbaha laga soo waarido heesihii dadkii hore oo la iska xalaashaday xuquuq la’aan iyo bilaa oganlaansho #Qaawanaan qayrul caadi ah siiba hablaha oo aad moodo in lagu yidhi hadii aad is qaawin cidi ku daawan mayso iyo fariimo fool xun oo ay gudbiyaan oo labiskoodu uhoreeyo oo bulshada ay u xayaysiinayaan.

Way jiraan fanaaniin dhaqan wanaagsan oo aan balwad lahayn oo fiican lakiin inta badan ayan ka hadlayaa ee kuwa saxani way amaanan yihiin kuwa kalana haku daydaan inta fiican.

Gaar ahan da-yartii oo inta xun kaga dayanaysa hadaba ugu danbayntii waxaan fananiinta iyo fanka aan usoo jeedinaya inay sidan wax kabedalaan oo dhaqanka wanaagsan ee somalida ee Islam nimada ku dhisan ilaaliyaan kana fogaadaan dhamaan balwadaha kala duwan ee ay ku dhexjiraan.

Reer Hargeisa waxaan leeyahay hoygii fanka hadii ay ahayd Hargeisa maanta waa hoygii diinta iyo culimada somalida ee dhaqanka hala dhowro cidii lasoo dhawaynayo dhaqankeeda hala darso si cidii soo dhawayn u qalanta loosoo dhaweeyo.

#Wasaaradda diinta iyo awqaafta waxaanu ugu baaqayaa in arimahan hoos loo eego hadii fanaaniin hada ka hor wasiir #khaliif ku celiyay labiskoodu maxaa loo aqbalay kuwa sidii raga gaalada ah jeegada sooxiirtay ee dhaqan xumada dhalaanka naga tusaya?

N.B waa fikir aniga iigaara cidii dhibsataa ha igala doodo halkan Realcabdiqani@gmail.com

Allah Mahadleh
Abdiqani Salaf.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker