AKHRI: Siyaasi Cali Guray Oo Ka Hadlay Xubinta Muranka Dhalisay Ee Cabdirashiid Riyo-raac

Cali Maxamed Yuusuf oo ku magac dheer Cali-guray oo ah siyaasi madax-bannaan ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aaddan buuqa siyaasadeed ee haatan ka dalka ka jira, gaar ahaan xubinta muranka badan dhalisay ee madaxweynuhu u soo xushay komiishanka doorashada, Cabdirashiid Riyo-raac oo dhawaan golaha wakiilladu ansixiyey. Siyaasi Cali Guray aragti ahaan waxa uu qabaa in laga wacan yahay in madaxweynuhu soo xulo xubin muran dhalisay

 

“bal horta ha ii dambayso labada xubnood, xubinta ay isku raacsan yihiin xisbiga Ucid, waa Cabdirashiid Riyo-raac oo ah siyaasiyiinta somaliland ee caanka ah ka mida, sidayda oo kale, weliba anigu xusbi kama tirsaniye, isagu xisbi gaar ah ku suntan oo KULMIYE ah, hadday ka shakiyaan mucaaridku waa gar. Ciddi kamay dhagaysateen waddani ee waxa kusoo raacay Ucid, aniguna ma dafiri karo. Hadduu Cirro Anigoo Cali guraya soo qori lahaa, waxaan hubaa inuu Muuse Biixi (Madaxweynuhu) I diidi lahaa, anigoon weliba xisbina ku jirin. Riyo-raac waa muwaadin xaq u leh, laakiin haddii ay madaxweynaha sidaa kaga dhegan tahay, dee waxa ka fiicnayd malaha inuu wasiirka madaxtooyada ka dhigo, ama wasiirka maaliyadaba ka dhigoo, kan inaadeerkiiya uga qaado, laakiin xubin buuq dhalisa inuu madaxweynuhu soo xulo runtii ma ahayn.” Ayuu yidhi Cali Guray oo shalay warbaahinta kula hadlay hargeysa.

 

Dhinaca kale, Siyaasi Cali Guray ayaa eedeeyay xildhibaannada baarlamaanka oo uu ku tilmaamay beenaalayaal kitaabka been ugu dhaartay. “Qoladan baarlamaanka iyaga waa la yaqaanaa oo Kitaabay baalaha wada jareen, walahii beenta ahaaba qalbiga cadeeyay, iyagu halkaasay kasoo qoslayaan markuu ku soo socdo mashruucan lagu ansixinayo komiishanka oo waxay ka helaan waxkasta oo laysku qabsanayo oo sababaya inaanay doorasho dalkan ka dhicin si muddo kordhin ay u helaan. Waxa intaa u dheer, Aakhiro danteedee wixii dagan ku haameeya. Xaaraan iyo xalaal wax afkooga ka xaaraansani ma jiro. Ansixintan Riyo-raacna waxay u muuqataa inaanay doorasho ku qabsoomayn.” Ayuu yidhi

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker