Daawo: Jose Mourinho Oo Loo Magacaabay Tababaraha Cusub Ee Tottenham Hotspur & Heshiiskiisa Oo Faah-Faahsan.

Daawo: Macalinkii hore Chelsea iyo Man United ayaa loo magacaabay inuu qabto shaqada kooxda Spurs ee ka dhisan waqooyiga London, wuxuuna badalay Mauricio Pochettino oo xalay xilli dambe shaqada laga Caydhiyay,
Advertisements

Mourinho wax shaqo ah ma qaban oo dhanka garoomada ah tan iyo markii Diseembar 2018 laga ceyriyay shaqada Red Devils, waxeyna wakiiladiisa aaminsanaayeen inuu dalab kaga imaan doono mid ka mid ah kooxaha Ingiriiska maadaama ay dhawr dalab oo banaanka ah diideen.

Mauricio Pochettino wuxuu Spurs yimid sanadkii 2014, wuxuu ka dhigay koox mar walba aan ka maqnaanin tartanka yurub, sidoo kalana final-kii Champions League ee fasalkii hore ayuu geeyay ka hor inta aysan Liverpool ka qaadin.

Si kastaba Jose Mourinho oo 25-koob soo qaaday waayahiisa kubadda cagta ayaa kusoo laabtay Premier League, wuxuuna hogaamin doonaa kooxdii saddexaad.

Dareenka Kooxda ayaa ah sidan Haddii aan ka hadalno Jose, waaan helnay mid ka mid ah macalimiinta ugu guulaha badan kubadda cagta, wuxuu leeyahay khibrad fiican taasoo dhiirigalin karta kooxda, sidoo kalana waa Xeeladayste Wayn, wuxuu koobab kula guuleystay koox walba uu maamulay, waxaan aaminsanahay inuu tamar iyo aaminaad kusoo kordhin doono qolka labiska” ayuu yiri Daniel Levy.

“Waan ku faraxsanahay inaan ku biiro koox leh dhaxal sidan u weyn iyo taageerayaal xamaasad badan, tayada labadaba ciyaartoyda iyo akaadmigaba wey i xiiso galiyeen, inaan la shaqeeyo ciyaartoydaas oo kale waa waxa isoo jiitay” ayuu yiri Jose Mourinho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker