Raiisul wasaare khayre oo si Ballaadhan Loogu soo dhaweeyay Magaalada Dooxa ee Xarunta Qatar

Muqdisho (OWN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta gaadhay magaalada Dooxa ee Caasimada dalka Qatar.

 

Wafdiga uu Hoggaaminayo Ra’iisul wasaarahu ayaa waxa halkaasi si diiran ugu soo dhoweeyey madaxda sare ee dalkaasi.

Ujeedka safarka Ra’iisul wasaare Khayre aya ah sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada hadli doono xaaladda dalka, gaar ahaan fatahaadihii ugu dambeeyey ee ku dhuftya qeybo ka mid ah Soomaaliya.Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maalmihii la soo dhaafay Safar shaqo ku joogay Faransiiska iyo Belgium, isagoona ka qeyb galay shirka nabadda Paris.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker