Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdilahi Deni Oo Denjiraha Ingiriiska kala Hadlay Doorashada Somaliya.(Sawiro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire Ben Fender iyo Wafdi uu hogaaminayo.

 

Deni ayaa uga mahadceliyey Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender OBE booqashada uu ku yimi Puntland, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in miro dhalka kulankan uu wax ka tari doono geedi socodka Siyaasadeed ee Soomaaliya.

 

“Wuxuu ahaa kulan muddo badan qaatay oo dhinacyo kala duwan oo arrimaha Soomaaliya iyo dhinacyada ay Dowladda UK kaga taageerto Soomaaliya Guud ahaan iyo Gaar ahaan Puntlandba taabanayey. Waxaana rajeynayaa in miro dhalkiisana uu wax ka tari doono geedi socodka Siyaasadeed ee Soomaaliya dhinaca Amniga iyo Dhaqaalaha intaba, waana uga mahadcelinayaa kulankii quruxda badnaa ee maanta na dhexmaray” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi.

 

 

Danjiraha Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender OBE oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Deni ay ka wada hadleen sidii Doorashada Soomaaliya ugu dhici laheyd wakhtigeeda.

 

 

“Waxaan yeelanay wada hadal miro dhal ah sida Madaxweynuhu sheegay, wuxuuna ku saabsana Iskaashiga ka dhexeeya Puntland iyo UK, Xiriirkaasi oo ah mid qoto dheer oo dhinacyo badan taabanaya, sida Horumarka dhaqaalaha, Shaqo abuurka, Gargaarka Baniáadanimo, Iskaashiga dhanka Siyaasada iyo arrimo kale oo badan, Sidoo kale waxaan wada hadalo miro dhal ah ka yeelanay ,

 

sida ay muhiim u yihiin Doorashooyin ku qabsoomada xiligooda sanadka danbe, iyo in sida ugu dhakhsiyaha badan loogu heshiiyo hanaanka Doorashada, aysana ka dib dhicin dhammaadka sanadkan iyo inaan hubino in dib loo soo celiyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka ah iyo dowladdaha Xubnaha ka ah” ayuu yiri danjiraha UK.

 

Ugu danbeyn Danjiraha Dowladda Britain ee Soomaaliya Ben Fender OBE ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu ku soo laabto Puntland, isagoo uga mahadceliyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Guud ahaan Dowladda Puntland soo dhoweynta iyo qaabilaada wanaagsan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker