Isimada Puntland Oo ku Guulaystay In Boosaaso ka Saaraan Ciidamadii Qabsaday Dhawaan.

Ciidamadii maleeshiyo beeleedka ahaa ee uu Hogaaminayay Ciise Yulux, kuwaas oo maalmo ka hor Xoog ku galay Magaalada Boosaaso ayaa maanta dib uga laabtay magaalada Bosaso, kadib heshiis is afgarad ah oo laga gaadhay Xiisadihii ka aloosanaa gobolka Bari.

 

Ciidamadan oo watay tobaneeyo Tikniko ah ayaa ku laabtay magaalada Carmo oo ku dhawaad 100KM koonfur ka Xigta magaalada Bosaso, halkaasoo ahayd fadhiisinkoodii hore.

 

Waan waan nabadeed oo ay gadhwadeen ka ahaayeen Isimada Gobolka Bari, ayaa lagu guulaystay in xaaladda la dajiyo, dowladduna xal nabadeed ku dhameyso tabashada laga qabo.

Si looga baaqsado in magaalada Bosaso isku dhac ku dhex maro ciidamada Puntland iyo kuwa u abaabulan hab beeleedka ayaa Isimada waxay marka hore ku guulaysteen in ciidamada soo galay magaalada Boosaaso ka saaraan islamarkaana ku noqdaan degaankoodii.

Xiisadaha gobolka Bari ka jiray, ayaa ka dhashay kadib markii uu soo baxay war ku saabsan in dowladdu meesha ka saarayso shirkad haysata qandaraaska ciiddanka Badda Puntland ee uu taageero Imaataatka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker