WARBIXIN: Faa’iidooyin Caafimaad Ee Jimicsigu U Lee Yahay Dadka Waaweyn

Daraasad cusub oo  ay sameeyeen khubarro  ka socotay  jaamacaddo ka mid ah jaamacaddaha dalka Japan ayaa lagu sheegay  in jimicsigu uu faa’iidooyin badan u lee yahay dadka waaweyn , gaar ahaana dadka da’doodu tahay 50-ka sanno iyo inta ka waaweyn.

 

Daraasadan  oo lagu baadhay  ilaa 39 daraasadood oo hore looga sameeyey Jimicsiga iyo faa’iidooyinkiisa iyo daraasad cusub oo tijaabooyin martay ayaa natiijadii kasoo baxday lagu sheegay  in jimicsigu uu soo celiyo xusuusta Maskaxda dadka waaweyn, sidoo kalena uu jidhkooda ka dhigo mid adag oo aan jilicsanayn, waxaanay khubarrada daraasadan samaysay tilmaameen in dadka waaweyni u baahan yihiin jimicsi ay sameeyaan 4-tii toddobaadba shan cisho.

 

Baadhitaanka ay khubarradani ku sameeyeen daraasadaha hore ee laga sameeyey Jimicsiga iyo faa’iidooyinkiisa ayaa ahaa mid laysku bar bar dhigaayey natiijaddaasi hore loo soo saaray iyo natiijada cusub ee ay hadda soo saareen, taas oo labaduba ay cadeeyeen in Jimicsigu kor u qaado shaqada maskaxda iyo wanaajinta xusuusta.

 

Dadka tijaabada lagu sameeyey intii ay daraasadani socotay ayaa laga tijaabiyey shaqooyinka Maskaxda, sida Fikirka,Feejignaanta, habka ay macluumaadka u gudbinayso, xifdiga iyo meelo kale oo badan, waxaanay khubarrada daraasadan samaysay cadeeyeen inay cilmibaadhistoodan ku ogaadeen in  Jimicsigu  uu caawiyo in ay maskaxda dadka waaweyni u shaqayso hab kor u kac ku jiro, dibna ay usoo noqon karto xusuustoodu, gaar ahaana inta lagu jiro da’da 50-ka sanno iyo wixii ka sareeya.

 

“ maalin ama laba cisho oo toddobaadkii jimicsi la sameeyaa waxay keentaa in jidhka iyo maskaxda qofku noqdaan kuwo firfircoon oo si xawli ah u shaqeeya, waxaana muhiim ah jimicsi shan cisho uu qofku sameeyo toddobaadkii, laba cishona uu nasto”. Ayuu yidhi Joseph Northe oo ah madaxa kooxdan daraasada samaynaysay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker