Muxuu dalka Ukraine muhiim ugu yahay Mareykanka?

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa haatan loo heystaa dacwad ah in taageerada milateri ee uu Mareykanka siiyo Ukraine uu u adeegsaday dano siyaasadeed, arrintaas oo u udub dhexaad u ah qorshaha xisbiga dimuqraadiga uu doonayo in uu xilka uga qaado Trump.

Ukraine ma ahan dal ka tirsan gashaanbuurta Nato, waxaana muddo badan uu la soo daala dhacayay musuqmaasuq, balse mustaqbalka dalkaas waxay muhiim u tahay siyaasadda gobolka uu dalkaas ku yaalo.

Maxay Ukraine muhiim ugu tahay US?

Inta badan 28 kii sano ee ay Ukraine xorta ahayd, way iska cadeed in dalkaas uu xulafo la sameysan doono dalalka reer galbeedka ama Ruushka.

Sanadkii 2014, hubanti la’aantii ka tagndey dalkaas ayaa soo idlaatay, kadib markii kacdoon uu ka dhacay dalkaas, waxaana hogaamiyaha cusub uu bilaabay in uu xiriir dhaw la yeesho dalalka reer galbeedka, balse arrintaas waxaa ka jawaabay dalka Ruushka oo u arkayay in saameyntii uu ku lahaa dalkaas ay meesha ka baxday, waxaana uu la wareegay gobolka Crime.

Ruushka ayaa waxaa uu xiligaas taageero u fidiyay kooxo hubeysan, kuwaas oo dagaalkii ay ka bilaabeen gobolka ay ku dhinteen 13 kun oo qof.

Xilligii uu talada hayay Madaxweyne Obama, waxaa dalal uu Mareykanka ka mid yahay ay difaaceen xaqqa ay Ukraine u leedahay aaya katashiga dalkaas, ayna ka soo horjeedsato faragelinta Ruushka.

Hasayeeshee arrintaas waxaa badelay Madaxweyne Trump, oo dalka Ukraine na ma uusan heleynin tagaeerada joogtada ah ee uu ka heli jiray Mareykanka.

Maxay tahay taageerada milateri ee uu Mareykanka siiyo Ukraine?

Mareykanka aya ah dal xiriir qotadheer la leh Ukraine, oo tan iyo sanadkii 2014-ka waxaa uu milateriga dalkaas siiyay lacag dhan 1.5 bilyan oo doolar.

Inta badan dhaqaalahaas ayaa loo adeegsaday tababarka ciidamada Ukraine, si sare loogu qaado tayadooda, ayna u noqdaan ciidan nidaamsan oo hawgeli kara.

Taageeradii milateri ee uu Mareykanka siiyay dalkaas ayaa waxaa ay ahayd mid uu xanibay Trump, taas oo gaareysa 391 milyan oo doolar. Sidoo kale taageeradaas ayaa waxaa qeyb ka ah hub iyo farsamo milateri.

Ahmiyad intee la eg ayay tagaeerada Mareykanka u leedahay Ukraine?

Ahmiyadda ayaa ah mid milateri iyo mid astaaneed. In kastoo milateriga Ukraine uu horay isugu hubay Maraykanka, ayaa hadda taasi waxaa soo wajahay shaki badan.

Shaki gelinta kaalmada milateri, iyo hadallada xanafta leh ee uu madaxweyne Trump inta badan u adeegsado Ukraine ayaa dhab ahaantii xoojinaya maqaamka wadaxaajoodka uu Ruushka doonayo.

.
Image caption.

Baaritaanka xilka qaadista Madaxweynaha ayaa taabanaya ololihii doorashada madaxtinnimada Maraykanka ee 2016 iyo weliba ninka ay u badan tahay inuu Trump la tartamo doorashada 2020 ee Joe Biden.

Ilaa iyo hadda ma jiro muwaadin Ukraine ah oo sheegay inuu marqaati furayo. Baaritaanka ayaa fiiradda lagu saarayaa hannaanka aan saxda ahayn ee uu dhacay xiriirka dhexmaray Washington iyo Kiev.

Todobaadkan, malaayiin shacabka Maraykanka ayaa markii ugu horreysay daawaday caddeymaha loo cuskanayo baaritaan ku aaddan xilka qaadista lala damacsan yahay madaxweynahooda, kadib markii si toos ah looga tebiyay warbaahinta.

Waa markii afaraad ee madaxweyne Maraykan ah uu wajahayo eedeymo uu xilka ku waayi karo.

Madaxweyne Trump ayaa lagu eedeeyay inuu hakiyay ku dhawaad 400 oo milyan oo dollar, lacagtaasi oo kaalmo milateri ahaan loo siinayay Ukraine, si uu dalkaasi ugu cadaadiyo baaritaan ka dhan ah musharrax madaxweyne Joe Biden iyo wiilkiisa. Trump ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay.

Waa sheeko wejiyo badan leh. Waxaa se halkan aan idiinku soo bandhigeynaa saddex qeybood oo aad si fudud ugu fahmi karto waxa dhacay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker