Maxaad Kala Socotaa Xigmadda Buugga WAAYEEL IYO WAANO?

Qisooyinka buugga ku jira ee aayo-xumada colaadda ku saabsan waxa ka mid ah:
Hal Aan Maalo Ma Waayin!

Geela marka la qaadayo ragga lehi aad bay u difaacaan. Mararka qaarkood waxa dhacda in raggii soo duulay guuldarro la kulmaan oo dhimasho iyo dhaawacba loo geysto xoolo ay helaan daaye. Beri baa nin reer Cabdille (Ogaadeen) ah oo reer Ammaadi ah oo ka sii ah reer Liibaan Jeeraar oo madi ahaa aroosna ahaa ayaa waxa
uu arkay rag duulaya oo doonaya in ay geel soo dhacaan. Arooska geel la’aani ma haynin laakiin inta damaaci qaaday ayuu raacay raggii duulayey. Raggii waxa ay weerareen geel si ay u qaadaan, waxa ay se la kulmeen difaac adag oo rag baa jilibka u laabay. Ninkii arooska ahaa ayaa markiiba ay dhufsatay rasaastii ragga geela lehi ridayey.

Isaga oo qaldhebaya (naftu ka sii gurmayso) ayuu ku cataabay:

Hal aan maalo ma waayin
Haan karuur ah ma waayin
Aqal hoosta u weyn iyo
Gabadh heetin ma waayin
Ee hawadii ragba eeday iyo
Had baa meesha i keentaye
Haatuf-haatuf dhurwaa iyo
Haadka iiga dareera
Hadhkaana ii yara jiida
Halihiina kaxaysta
Haweenkiina dumaala
Hooyadayna ogaada.
Magaciisii lama hayo.

Colaad khaldan markasta waxa sababa qof daallin ah ama koox daallimiin ah.
Dabeedna waxa arrintu u dhacdaa labo mid:
1. In dhinaca samo-talisku bato oo arrinta daallinku oogay afka la qabto inta aanay bulshada dhibaato ku fiddaa iman.
2. In qiirada makasta iyo daallimiintu xoogga talada yeeshaan, ka dibna arrintu noqoto “dabow duul oo dareemooy olol”. Markay taasi timaaddana waxa dhacda “dab munaafaq shiday muumin baa ku gubta” oo xumaantii daallinku
sababay waxay sahayataa dad aan waxba galabsan.

Aar Walaal Noqon Waa!
Waxa taariikhdu werisay nin la odhan jiray Abaar Warsame ayaa walaalkii la dilay.
Abaar waxa uu dilay oo walaalkii ugu aaray 16 nin. Rag damcay inay ogaadaan
dareenka Abaar ayaa ku yidhi: Abaarow, aarsi ka warran? Waxa uu ku jawaabay:
“Anaa aakhiro seegaye, aar walaal noqon waa.”

LA SOCO
Waxaad ka helikartaa buugga
1. Xarunta buugaagta ee Hema
2. Xarunta buugaagta ee Universal
3. Xarunta buugaagta ee Alxusayni
4. Xarunta buugaagta ee Redsea
5. Xarunta buugaagta ee Personal Computer

FAAHFAAHINTA: maale2200@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker