Diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulaya oo Xalay argagax geliyada bulshada Hargeysa

Diyaaradaha dagaalka oo joog hoose ku duulaya ayaa xalay abaaro markhibkii dulmaray caasimada somaliland ee hargeysa. Diyaaradahan ayaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa kontomeeye, oo ah nooca Helicopter ah, ayaa argagax ku abuuray bulshada reer hargeysa.

 

Lama garanayo halka kasoo kicitimeen diyaaradahan jooga hoose ku duulayay, hase ahaatee goob-jooge ayaa   xaqiijiyey, inuu arkay diyaaradahaasi, isagoo ku sugnaa xaafada jigjiga yar oo sida uu sheegay bulshada ku nooli ay indhahooda ku daawanayeen diyaaradahaasi oo dhinaca koonfureed ku socday. Shalay ayay dawladda maraykanku sheegtay inay weerar dhinaca cirka ah oo ciidamadoodu ka fuliyeen somalia ay ku dhinteen saraakiil Alshabaab ah.

 

Maaha markii koowaad ee diyaarado dagaal soo dulmaraan hawada somaliland, iyagoo joog hoose ku socda, inta badana waxay kasoo kicitimaan xeebta dalka jabuuti oo somaliland jaar la ah, halkaas oo uu ku yaallo saldhig ciidanka maraykanka iyo kuwa yurub ahba fadhiyaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker