BARNAAMIJKA MIIDDA MAAHMAAHDA Ee Maanta Iyo Keyse-iftiin

Barnaamijkii hore dadkii ka soo qaybqaatay ee aragtidooda soo gudbiyay way mahadsan yihiin. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqaynaa akhristaha Ibraahim la yidhaa oo erayga “baali” labada micne ee uu leeyahay si wacan u soo qeexay.

 

BAALI = shay aan la isticmaalin lana tuurin weli oo duug ah.
BAALI= qofka dumarka ah ee basarida ah.
DUUG= waa shay gabow ah laakiin weli la isticmaalo.

 

MAAHMAAHDA MAANTA

1. Aadame ishiisay carro buuxisaa.
2. Aad badbaadide meel baydhsan seexo.
3. Aakhiraa war jiraa.
4. Aakhiro aboorka la iskama cesho.

 

 

HAL-XIDHAALE

Waxaad sheegtaa 4 micne oo erayga “BAR” leeyahay.

 

 

Qore: Keyse-iftiin
Maale22000@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker