Xilka ka dib: maxay Soomaalidu bilaa camal u noqdaan?

Su’aasha tan ah waxaa igu dhaliyay madaxwaynihii waddanka yar ee Koonfur Ameerika ku yaalla ee Bolivia, Mr. Eva Morales, oo waayadan ba lagu mudaharaadaayay ayaa manta is casilay. Mr. Morales dhawaan waxa uu shaqo ka bilaabi doona TV ga ruushka ee RT (Russia Today),, waxaanu noqon daadihiye barnaamij amaba presenter. Boris Jonson ka hadda UK Prime Minister ka ahi kolkii uu Maayarnimada London ka tegay, waxa uu bilaabay in uu jariirad local ah maqaal joogto ah ku qoro, halkaas na xisaabtiisa ka helo. Prime Minister yadii isaga ka horeeyay – David Cameron, Gordon Broun, Tony Blair iwm, iyo wasiiradoodii ba shirkado private ah ayay u shaqo tageen, amaba siyaalo kale ayay u xoogsadaan. Waxa la mid ah madaxda caalamka kale badankood kuwa galbeedku ba ha u badnaadeen.

Hadaba, sababta ay shakhsiyaadka siyaasadda gala ee Soomaalida, amaba Afrikaanku bilaa camal u noqdaan xilka ka dib maxay tahay? (1) Aqoon kale oo ay ku xoogsadaan baanay lahayn. (2), Kibir uu jahli sabab u yahay baa haya, in ay cid u shaqeeyaan na waa iskala waynyihiin. (3), Shaqooyinka kale in wax micno leh laga dheefaayo ayaanay u haysanin. (4), (5), ku dara wax kale.

Fiiro gaar ah, masuuliyiinta Soomaalida ee xilal sare soo qabtay dabcan sidaas ma wada aha – aqlabiyadda wayn ayaa aan tilmaamayaa. Waa la heli karaa shakhsiyaad kooban, sida Jaamac Maxamed Qaalib oo kale, oo macalinimo jamacadeed haatan ku shaqeeya, isaga oo dad’ii hawlgabka waa hore dhaafay, fadhiga na biilkiisa ku heli kara. Wasiir Puntland xil ka qabtay xiligii Gaas – Mr. Kulmiye –  oo aan maalin dhawayd kulan shaqo isugu nimid, ayaa aan isna ogahay oo cilmi baadhe ka ah mashruuc kaluumaysiga ku saabsan.

 

(WQ: Maxamed Haaruun Biixi)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker