Oodweyne News - Latest Somali News Update

Xukuumadihii Lixdankii iyo Gefkii Idaajaa!

Barnaamijkii Dhaqanka iyo Hiddaha ee laanta af-soomaaliga ee VOA-da ka baxay Arbacadii dhoweyd ee ay taariikhdu ahayd 30kii Oktoober 2019, Axmed Faarax Cali (Idaajaa) waxa uu ku daray aragti isaga gaar u ahayd, hase yeeshee dad badan oo dhegeysanayey ay aad iyo aad ula yaabeen. Isaga oo xukuumaddii 1991kii dhacday ee Maxamed Siyaad Barre dembi kala baxso is leh, ayaa waxa uu sheegey xukuumadihii 1960kii talada dalka gumaystayaashii reer Yurub kala wareegey, burburkii weynaa ee 1990nadii Soomaalida ku dhacay in ay mas’uuliyad ku leeyihiin. Isaga oo arrintaa ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Dhegeystayaal, bilowgii 1900 iyo sagaashannadii, qaranjabkii Soomaalida ku dhacay wixii ku wacnaa weli la islama meel dhigin, sababo dhawr ah dartoodna ma filaayo faca maanta nooli, si aan hiyikac lahayn, in ay isu la meel dhigi karaan. Xukuumadihii 1960kii talada dalka gumaystayaashii reer Yurub kala wareegey mar baa qaranjabkaas wax laga saaraa. Mar kale waxa loo saariyaa …”

Bal haddaba aynu isweydiinno xukuumadihii 1960nadii, sida uu Idaajaa sheegey, in ay burburkii Soomaaliya wax ku leeyihiin iyo in aanay wax eed ah ku lahayn oo uu Idaajaa wato hawl siyaasad la xidhiidha oo isaga iyo inta la aragtida ah u gaar ah iyo in kale.

Xukuumadihii 1960nadii Soomaaliya ka jiray, sida aynu wada og nahay, waxay ahaayeen qaar nidaam doorasho ku yimaadda, nidaam doorashana ku taga. Waxa beryahaa dalka ka jiray, dhalliilo kasta ha lahaadeene, dastuur iyo xisbiyo arrimaha siyaasadda ka shaqeeya. Dadku si xor ah ayey dalka ugu noolaayeen, aragtiyahooda dhaqan-siyaasadeed na si kalsooni leh ayey u cabbiri jireen, oo cidna lama xidhi jirin. Siyaasiyiinta, wadaaddada, abwaannada, aqoonyahannada iyo guud ahaan muwaaddiniinta aadyar uun sidii Kacaanka la iskama layn jirin, si gardarro ahna xabsiyada looguma taxaabi jirin. Guud ahaan ummaddu way wada joogtay, wadajirkeeduna wuu fiicnaa.

Waqtiyadii ay xukuumadihii rayidka ahaa ee 1960nadii jireen mashaariicda horumarinta la xidhiidha iyo waxqabadyadu kolba heer bay marayeen, waanay korayeen. Waxa jiray warshado iyo jidad xilligii maamulkii askarta la meel mariyey oo ay dad badani moodaan in uu Kacaankii keligii u hawl-galay. Kuwaasi waxay ka mid ahaayeen mashaariic ay qorshayaashooda, miisaaniyadahooda iyo maamulkoodaba ay xukuumadihii rayidka ahaa bilaabeen oo iyaga oo qaar fuliyey, qaarna in ay hirgeliyaan damacsan uu afgembigii ku soo kediyey!

Waxbarashadii Soomaaliyadii hore xilliyadii ay ugu wanaagsanayd, uguna tayada fiicnayd waxay ahaayeen waqtiyadii ay xukuumadihii rayidka ahaa dalka ka talinayeen. Dhaqaalaha dalku beryahaa waxa uu ahaa mid koraya, talada ummadduna qori caaradii kama ay hoos jirin ee wadatashi bay ku salaysnayd. In ay qabyaalad iyo musuqmaasuq jireen xilliyadaa waa la sheegaa, hase yeeshee aad bay u sahlanaayeen marka loo eego xilligii maamulkii askarta oo ay xadka ka baxeen.

Soomaalida oo sidaas ah oo, xag maamul iyo xag wadatashiba, dalalka Afrika meel fiican kaga jirta uun bay mar keli ah belaayo dhacday. Askar aan naxariis lahayn ayaa 1969kii taladii dalka afgembi aan dhiig ku daadan ku qabsatay, wax kasta oo nidaamsanaa na doorisay. Dadkii iyo siyaasiyiintii baa la xidhxidhay, sharcigii dalka u yaallay baa la laalay, xisbiyadii siyaasadda iyo saxaafaddii madaxa bannaanayd baa la baabbi’yey, diintii baa lagu gefay, dhaqankiina waa la fogeeyey. Cid kasta oo la dili karayey waa la diley iyada oo aan wadaad iyo waranle loo kala eegeyn, dalkiina waxa la geliyey waxaad mooddo xaalad degdeg ah, markii danbe na mid dagaal.

Taladii ummadda oo dhan waxa lagu ururiyey dad kooban oo mar jilibbo ah, marna xidid ah. Ciidammadii Soomaaliyeed ee 1960nadii sida aadka ah loo jeclaa laguna faani jiray waxa ay noqdeen qaar meeshii lagu arkaba laga dhuunto, sababta oo ah dadka ayey gumaadi jireen, ama dhici jireen ama dhibaatayn jireen, waxana marinhabowgaas ugu wacnaa hoggaamiyihii Kacaanka, ahaana madaxweynihii dalka, Maxamed Siyaad Barre.

Markii ay dadkii dalka lahaa waddankoodii si nabad ah oo xor ah ugu noolaan kari waayeen dantu waxa ay ku qasabtay in ay is-abaabulaan oo ay daallimiinta ku habsatay iska dulqaadaan. Halgankii Kacaanka lagu ridey ma uu ahayn mid jacayl dagaal loo qabaa uu keenay, ee waxa uu ahaa mid aanay ummaddu xiise u qabin ee ay dani badday!

Waxa la yidhi: “Talo aan la ruugin waa lagu rafaadaa.” Waxa ay Soomaali badani isku raacsan tahay qaranjabka ama burburka ay ilaa maanta Soomaalidu ka soo kaban kari la’dahay in ay sababtay taladii aan la mahadin ee jaalle Maxamed Siyaad Barre. Maxamed dal nabad ah ayuu qabsaday, waxanu ka tegey dal ololaya. Waxa intaa u dheer in markii madaxtooyadii Xamar laga saaray uu jabhad noqday, oo inta uu ciidan tolka ah soo kaxaystay ayuu dib weerarro u soo qaaday si uu Soomaaliyadii gacantiisa ka baxday uu mar kale u qabsado. Laakiin taasi uma suurta-gelin!

Axmed Faarax Cali (Idaajaa) iyo dadka la aragtida ah ee ay Kacaankii u wada shaqayn jireen, oo aan marna soo hadalqaadin burburkii iyo dilalkii uu Kacaanku geystay, anigu garan maayo si wixii dhacay looga la doodi karo. Idaajaa qudhiisu waxa uu og yahay dadka waaweyn iyo xog’ogaalku in aanay doodihiisa jaadkan ah dhegeysanayn, hase yeeshee ujeeddadiisu waayeelka kuma abbaarna. Waxa uu u dan leeyahay da’yarta, oo waxa uu doonayaa in uu dhallinyarta ka dhaadhiciyo aragtiyo isaga u gaar ah.

Waayadan danbe waxa socda ol’ole iyo dedaallo la doonayo in taliskii Maxamed Siyaad Barre lagu buunbuuniyo. Waxa la rabaa in taliskaa xogo iyo sawirro qurux badan laga bixiyo, dabadeed na dhallinta da’da yar laga raarrido. Haddii ay arrimahaasi sida la doonayo u hirgalaan natiijada ugu dambaysaa waxay ku soo ururi doontaa in ummadda Soomaaliyeed aakhirka lala hor yimaaddo waxaan qaban oo ah in lagu doodo in Maxamed Siyaad Barre taallo loo dhiso!

Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com
Nofember 10, 2019.