Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Galabta U Ambabaxay Dalka Faransiiska.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta ka dhoofay Magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Faransiiska

Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ugu dhoofay Faransiiska ayaa waxa ku wehelinayay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, isla markaana waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay kusii sagootiyay Madax ka tirsan dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Faransiiska uga qeyb galayo madasha nabadda Paris, oo looga hadlayo Nabadda iyo Amniga, arrimaha horumarinta, deegaanka, tegnoolojiyadda cusub, dhaqaalaha loo dhanyahay, dhaqanka iyo waxbarashada.

Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Xasan Cali Kheyre Magaalada Paris ayaa waxaa kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ka qeyb galeysa madasha nabadda Paris.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker