Madaxweyne Waare Oo Sharaxaad ka Bixiyay Diyaaradii Qaaday Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay Safarkii Maanta Magaalada Baladweyne ay ku tageen Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif.

Madaxwayne Waare oo Warbaahinta maanta kula hadlay Muqdisho ayaa been abuur ku tilmaamay wararka baraha Bulshada lagu faafiyay ee ahaa in diyaaradii siday Madaxweyneyaashii hore ee dalka iyo wafdiga la socday loo diiday inay ka degto Baladweyne, isla markaana la demiyay Raadeelka Garoonka Baladweyne.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Shirkadda leh diyaaradii Maanta Baladweyne u qaaday Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ku eedeeyay inay ku ku xadgudubtay xirfadii duulimaadyada, isla markaana duuliyihii waday uu qaatay Go’aan halis ah.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Shirkadda leh diyaaradda lala xisaabtami doono, kadib markii Maanta ay qatar gelisay Wafdi heer Caalami ah.

Waxaa kaloo uu tilmaamay Waare in Madaxweyneyaashii hore ee dalka uu wargeliyay in xaalad qakhar ah ka jirto Garoonka diyaaradaha Baladweyne oo xalay Roob uu ku da’ay, isla markaana inta bada dhabbaha diyaaraduhu soo caga dhigtaan biyo ay fadhiyaan uuna safarka baaqdo, hayeeshee uu Xasan Sheekh ka diiday.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Carafka ku dhuftay in Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ay u socdeen Gurmad loo sameeynayo dadkii uu ku fatahay Wabiga Shabeelle, ayna jirin cid ka hor istaagtay Safarkooda Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker