Lix qof halkaad ku joogtaan midnimada Somaliland laabta ka ogaada

Faraax Nuur (AHN) ayaa mar uu tirtirsiyey beeshiisa yidhi  “ lix nin halkaad ku joogtaan dagaal laabta ka ogaada”   taa micnaheedu waxay ahayd dadyow hays dhiganina  oo hays odhanina dhowr qof dagaal ma geli karaan,ee halkay beeshu degantahay oo keliya ka dagaal gala.

waxaa igu kalifay qoraalkan in Madaxda iyo taageerayaasha mucaaradka qaarkood xafladii lagu qabtay London ee ku saabsanayd midaynta qurba joogta reer Somaland ay naqdiyeen shirkaas kana soo qaadeen in aanu waxba ka tarayn ujeedada loo qabay.anigu waxaan qaba fikir kaa duwan oo ah in gudo iyo debedba looga hawl galo midaynta shacabkeena , kanna uu khaas oo ah dalkan Ingriiska oo aynu ognahay wadajirkood in uu qayb libaax ka qaadan karo  midaynta qurba jooga kale,sidaa uu hore qayb uga qaatay  tafaaraaruqa iyo kala erdhaynta shacabkeena  oo ay sababteedu ahayd  natiijadii doorashadii Madaxweynenimada

Doorashada oo cadowga Somaliland  iyo kuwa qabyaaladu madax martay si xun uga falceliyeen  lagana dhaxlay Masaaiibtan hoose ku qoran:

 1.In markii ugu horaysay qurba joogto xafladihii 18 May ka wada qayb geli waayeen,murana la geliyo qabsoomideeda.

2.in natiijada doorashada beel keliya ka shirto iyaga oo xisbiga qaran  ka dhigaya mid ay gaar u leeyihiin.

3.in rag ka mid ah ciidamada qaranku u galaan Somalia halkaana ka soo abaabulaan dagaal  Somaliland ka dhan ah,markii dambana saldhig ka samaystaan Somaliland dhexdeeda iyaga oo leh cadaalo daro ayaanu ka dagalaamayna.

4.in taageerayasha xisbiyada qaar dhiri geliyaan kuna goodiyaan in  beelo qabsadaan  gebilay ,Caynabo iyo meelo kale.

5.in intaan maqlay u jiro nin aflagaadeeye nasabada  reer Sheekh Isxaaq.

6. In  been laga sheego taariikhdii Xisbullaahi.

7.in la masaxo  taariikhdii halgankii reer Somaliland u soo gashay gobonimada oo meesha laga saaro , SNL,USP, NUF, iyo 26 June.

8.in la difiro  Xasuuqii afweyne u gaystay beesha Isaaq ,qaarkodna  dambiga xasuuqaana saaraan  Isaaqa, xataa kuwii xeebta jasiira lagu xasuuqay  ee ka fogaa Ex waqooyi .

9. in burush wasakh ah la marmariyo ururkii SNM iyo Mujaahidiinta  soo halgantay.

10.in taariikhda Somalida laga soo bilaabo 21 October,1969.

11.In dhiigya cabkii Afweyne laga dhigo macsuum sida maaliigta aan dambi lahayn.

12, In ay suurto geliyaan in Hargeysa dhexdeeda lagu xidho calankii  buluuga ahaa ee astaanta u ahaa xasuuqii Afweyne ka gaystay  EX Waqooyi.

13. In hoos u dha cweyni ku yimid qurba joogii u ololayn jiray qadiyada Somaliland .

14. in lagu mashquulo xumaan ka sheega Somaliland oo aan la soo hadal qaadin faragelinta Shoodhe Afweyne ku hayo Somaliland 

15. In dadka qaar sida cadowga  ka naxaan wixii wanaag soo kordha,kuna farxaan hadii dhibaato timaado

16. in kala shaki,kala xan qarsi iyo colaadi dhex marto dad weligood saaxiib ahaa.

Macquul maaha in la yidhaa waxaas oo dhan waxaa u sabab ah  cadaalo daro iyo musuq  ay xukuumada Kulmiye ku kacday sidaa darteed waa in Somaliland la burburiya.caqliga caafimaad ka qaba wuxuu  u leexanaya dhinaca tanaasulka ,nabad galyada ,isu soo dhawaynta shacabka , sabirka,iyo ku dadaalida in aad ku guulaysato soo bixinti xisbi mucaarid ah oo  Cadaalda soo celiyo musuqana joojiya

waxaynu  30 sanadood ee uGu dambeeye ku tabcaynay ee isugu jiray halgan ,dagaal, dib u dhis in dadka qaar yidhaahdaan  sifir halaga soo bilaabo ama Xamar oo iyaba yaaban haloo yaaco xal maaha.khalad baan tirsanaya oo khaladbaan ku saxaya xal maaha sidaa darted waxaan rumaysnahay in shirkaa London uu ahaa mid loo baahnaa,waxaan aad ugu faraxsanahay in mucaarid iyo muxaafidba laga qayb galay,waxaa si weyn iisoo jiitay khudbadii  Cabdilqaadir Jirde oo ahayd mid shacabka isu soo dhawaynaysay,waxaan jeclaan lahaa in siyaasiyiinteen iyo haldoorkeenu sidaa u hadlaan,shirka noocaas ahna meelo badan lagu qabto. waxaa amaan iyo Sharaf mudan  Safiir  Ayaan Cashuur oo si fiican u soo qaban qaabisay shirkaa.

Hadii London daba dhilifka Shoodhe Afweyne shir lagu waxyeelaynayo Somaliland ku qabsadeen,maxaa u diidaya  in lagu qabto shir  lagu xoojinayo midnimada qurbajoogta Somaliland. si looga baxo xaaladan aynu ku jirnay labadii sanadood ee u dambeeye.

 

 

Hayaan70@hotmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker