Oodweyne News - Latest Somali News Update

Dhiigyaraanta iyo Macaanka: Isku-sidkan u baahan wada sixid

Dhiigyaraantu (Anaemia) waa unugyada cascas ee dhiiga oo hoos uga dhaca xaddiga la isla qaatay in uu yahay ka dabiiciga ah. Dhiigyaraantu sababo badan ayay leedahay waxaa ka midd ah dhiigyaraan ka dhalata dhiig-bax dhaawac keenay ama nabarada caloosha iyo mindhicirka oo mudo dheer si aan la dhaaday dhiiga u haba. Dumarka iyaga u gaar ah dhiigyari ka dhalata hadii caadada wakhtigeedu dheeraado ama xadigeedu badato.

Waxa kale oo dhiigyari keena nafaqo-daro marka qofku waayo cuntooyinka dhiiga kordhiya. Intaasi waa tusaale yaal laakiin sababaha dhiigyarida keenaa aad ayay intaas uga tiro badan yihiin.

Unugyada cascas waxa lagu sameeyaa dhuuxa lafaha. Waxaase samaysan kooda hirgeliya hormoon lagu sameeyo lagana soo daayo kelyaha oo la yidhaa Erythropiotin. Unugyadan waxa casaanka ugu wacan waxa weeye barootiinka hiimoogolobinta (haemoglobin) oo shaqadeedu tahay in ay soo jilaabto oksajiinta, qaado, una gayso unugyada jidhka ee kala duwan. Inkasta oo unugyadaa cascas lagu sameeyo dhuuxa haddana taageeraal badan oon laga maarmin ayaa ka qayb-qaata dhismahooda iyo habsami u shaqayntooda oo ay kow ka yihiin kelyuhu.

Dhiig yaraanta waxa lagu qiyaasaa inta haemoglobin ku jirta hal millimeter oo la sedex jibbaaray oo dhiig ah. Ragga waxa layidhaa wuu dhiigyar yahay hadii haemoglobin-tu ay ka hoosayso 13.5mg/dl, dumarkana waa hadii ay ka hoosayso 12mg/dl.

Dhinaca kale xannuunka macaanku xubnaha jidhka ee uu sida wayn u saameeyo waxaa ugu mudan Kelyaha. Sida ay caddaynayaan tirakoob-yada labaatankii sano (Escorcio et al, 2010) ee ina dhaafay lagu sameeyay cilaaqada u dhaxaysa labadan xannuun, waxay xaqiijinayaan in Macaanku yahay sababta koobaad ee keenta kelyaha oo fadhiista wadamada yurub iyo maraykan. Dadka qaba xannuunka macaanka nooca labaad, 40 % ayaa kelyuhu fadhiistaan 15 sanno kadib marka la ogaado; waa marka waliba sifiican loo xakameeyo xannuunka. Hadii aan si fiican loo maarayn waxaaba suuro gal ah in qofka macaanka qaba, kelyuhu fadhiistaa shan sano gudahood.

Hadii aynu nidhi kelyuhu waxay ka mas’uul ka yihiin dhiigga cas samayntiisa, ase aynu raacinnay in xannuunka macaankuna kelyaha waxyeelo wayn gaadhsiiyo, waad fahmi kartaa halka macaanka iyo dhiigyaridu iska soo galaan. Dhiigyaraanta Macaanku keeno maaraynteedu way ka howl badan tahay dhiigyaraanta sababo kale loo aanaynayo.

Intaas ku darso oo, dhammaan xannuunada riiq-dheeraadaa way sababbaan dhiigyaraan (Carvalho et al, 2006; anaemia of chronic diseases), waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa fayrasyada HIV iyo Hepatitis, infekshanada bakteeriyadu keento sida TB, iyo kuwa dulinka iliqabatayga ahi keenaan sida kaneecada.

Macaanku siyaabo dhowr ah ayuu u keenaa dhiigyaraan. Ugu horayn, sida aynu soo tilmaannay wuxuu dhaawacaa unugyada kelyaha u qaabilsan samaynta iyo soo dhiijinta hormoonka Erythropiotin. Laba, sonkorta xad-dhaafka ah ee dhiiga dhex sabbaynaysaa waxay sun ku tahay unugyada cascas, waxay soo gaabisaa cimrigooda. Saddex, macaanku wuxuu kordhiyaa maaddada khatarta ah ee loo yaqaan Oxygen Peroxide Radicals oo iyana la falgasha unugyada cascas kadibna bedesha qaab-dhismeedooda gudaha kana dhigta kuwo aan awoodi karin in ay sifiican u xanbaaraan oksajiinta. Afar, xannuunka macaanku wuxuu inta badan wataa miisaan iyo xaydh jidhka ku dheeraad ah; sida la ogyahay dadka miisaankoodu sareeyaa waxay marwalba la derisyihiin dhiigyaraan, sababta oo ah unugyada duxda (fat cells) oo awood u leh in ay shiikhiyaan unugyada cascas (Ruster and Wolf, 2013). Unugyada duxda (fat cells) waxay sameeyaan kadibna dhiiga ku daraan maaddad layidhaa Hepcidin oo aad u yaraysa in si fiican jidhku uga faa’iido xadiidka oo qayb lagama maarmaan ah ka ah samaysanka dhiiga cas.

Bal u fiirso, waxaynu isku soo xidhnay Macaanka, kelyo xannuunka, dhiigyarida iyo miisaan cuslaanta. Francisco et al, 2010 waxa uu xaqiijiyay in  afartaa rukun ee aynu soo sheegnay uu  ku qotomo oo aanuu ka maqnaan karin dhiig-kar (high blood pressure). Waxaad ogaataa in Macaanku uu yahay sababta koobaad ee keenta dhiig-karta nooca Secondary hypertension-ka loo yaqaan, waxa kusoo xiga kelyo xannuunka, iyo dhiigyarida. Waxaad arkaysaa cida xannuunada halista ahi isugu yeedhaan, ee middba ka kale ugu gogol-dhigo una casuumo. Waa sababta inta badan xannuunadani bukaanka ugu kulmaan. Waxa taas sii dheer in dawooyinka lagula tacaalaa ay iyaguna is khalkhal geliyaan, taasoo sii wareerisa xal u helida xannuunadan.

Hadii aynu soo koobo, dadka xannuunka macaanka qaba waxa waajib ah in si joogto ah loo baadho shaqada kelyaha iyo xaddiga dhiiga. Faa’iidadu waxay tahay in wakhti ku haboon la ogaado hadii hoos u dhac kuyimaad shaqada kelyaha si loo horqabateeyo. Xaga dhiigyaridana waxay ina siinaysaa fursad lagu saxo si looga hortago dhibaatooyinka faraha badan ee dhiigyaridu u keeni karto qofka macaanka qaba.

Waxa jira Protocol caalami ah oo lagu saxo dhiigyarida la socota macaanka iyo kelyo xannuunka. Maarayntuna waxay u baahan tahay in ay koobsato dhamaan dhibaatooyin ka qayb-qaatay dhiigyarida.

Ma’aha in qofku iska alifto dariiq uu isagu jeexday oo aan ku fadhiyin xaqiiq cilmiyeed oo la tijaabiyay ( evidence-based medicine). Protocol-kan waxa dejiyay ururka KDIGO (Kidney Disease: improving Global Outcome) ah urur madax-banaan oo darsa xannuunada kelyaha iyo dawayntooda.

Hadii xaaladani lasoo deristo qofka bukaanka ah waxa la gudboon in uu si joogto ah ula xidhiidho dhakhtar aqoon fiican u leh maaraynta xaaladahan cakiran.

Some very useful references for whoever interested in reading more about this topic.

1. Anaemia treatment in chronic kidney disease accompanied by diabetes mellitus or congestive heart failure Steven Fishbane and Nobuyuki Miyawaki.

2. Evaluation of anaemia treatment with EPO, oral and IV iron in patients with chronic kidney disease under hemodialysis Escorcio et al

 

WQ: Dr- Abdikarim D Hassan