Bolivia : Dibadbaxayaal Gadoodsan Oo Maayir Si Khasab Ah Timaha Uga Xiiray

Maayirka magaalo yar oo ku taal waddanka Bolivia ayaa waxaa soo weerraray dibadbaxayaal mucaarad ah kuwaas oo ku jiiday waddooyinka iyadoo cagacad, waxa ay ku shubeen riinji gaduud ah sidoo kalana waxa ay xoog uga jareen timihii.

Patricia Arce oo ka tirsan tahay xisbiga haya talada ee Mas ayaa waxaa lagu wareejiyay booliska magaalada Vinto saacado kaddib markii la qabsaday.

Waa dhacdadii ugu dambaysay falal qulqulatooyin iyo iskudhacyo xiriir ahaa oo u dhaxeeyay taageerayaasha dowladda iyo mucaaradka kaddib doorashadii madaxtinimada ee uu muranka badan ka dhashay.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ilaa iyo haatan dhimatay.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker