Barnaamijka Cusub Ee Maahmaahda: MIIDDA MAAHMAAHDA Iyo Qoraa Keyse-iftiin

Barnaamijkan toddobaad kasta haddii Rabbi idmo waxa aynu ku soo qaadan doonnaa 4 maahmaahood oo ka mid ah maahmaahda soomaalida.
Akhiristaha sharafta leh waxa looga baahan yahay inuu isku dayo inuu sharxo maahmaah kasta ama inta uu ka fahmo 4ta maahmaahood.
Tan waxaynu ku ogaan doonna heerka dadku ka marayo afka soomaaliga murtida afkooda.

 

MAAHMAAHDII:
1. Aabbahay baa geel leh anigaa dameer leh baa dhaanta.
2. Aabbe ka yar iga celiyoo ka weyn igu soo daa.
3. Aadame abaal ma leh.
4. Aadame dabo la qabto ma lehee dibno la qabto ayuu leeyahay.

 

HAL-XIDHAALE:

Sheeg micne ahaan farqiga u dhexeeya:
Duug iyo baali.

 

 

Qoraa: Keyse-iftiin
Maale22000@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker