Xalka Koowaad Ee Sadaqada Yaa Mudan Oo La Siinayaa??!!.

 Xukuumadda Somaliland Waajibaadka Koowaad Ee In Wax Laystaro Waxaa Xakh U Leh Reer Miyigii Xooluhu Ka Baxeen Muddo Laga Joogo Sadex Sano Oo Weli Aan La Xoolayn Oo Dar Xummo Gaajo, Dhaxan Iyo Xanuuno Isu Raaceen Oo Ku Dayacan Deegaamaddii Xooluhu Kaga Baxay Tuulooyinka Iyo Degmooyinka U Dhoow Oo Aan Laga War Hayn Nolol Maalmeedkooda, Waxaa Kaloo Jira Magaalooyinka Oo Ay Ku Dayacan Yiciin Dan Yar Fara Badan Oo Gaadhaya 60% Oo Bakhtigu Xalaal U Yahay Oo Qaarkood Madaxtooyadda Somaliland Deris Tihiin Waa State House Ka, Xaasaska Iyo Ubadka Ciidamadda, Kuwana Ku Dayacan Yihiin Oo Ay Jiifaan Dhakhtarada.
Allaah(Swt) Waa Inagu Eegayaa, Weliba Kuwa Masuuliyiinta Iyo Maalqabeenada Sheeganaya Ee Aan Caqligoodu Shaqaynayn Oo Shacabwaynahooda Hoos U Eegayn Waa Mid Subxaanallaah.
Qofka Muslimka Ah Ama Muslim Badan Oo Fatahaadaha Wabiyadu Saameeyeen Beledwayne Ee Soomaaliya Haddii Goboladda Kale Ee Soomaaliya U Gurman Waayaan, Waxaa Waajib Ka Saaran Yahay Xukuumadda Iyo Shacabwaynaha Somaliland Balse Haddii Looga Soo Gurmaddo Goboladda Soomaaliya Iyo Caalamkaba, Somaliland Waajibkii Wuu Ka Dhacayaa Oo Waa Fardul Kifaaya.
Mala Iswaydiiyay Inta Qof Ee Xanuunada Faalidka, Macaanka, Baraska, Juudaanka, Aydhiska, Dhiigkarka, Kaneecada, Kuduudiyaha, Neerfaha U Jiifa Miyiyada Iyo Magaalooyinka Oo Cabashadooda La Ogyahay Iyo Kuwo Aan Cabashadooda La Ogayn????????????!!!!!!!!!!!!.
Balse Xukuumad Iyo Ganacsato Danyartoodu Bakhtigu Xalaal  U Yahay Waa Dulinimo Iyo Doqonimo Halkii Ugu Dambaysay !!!!!, Allaah(Swt) Wuu Idiinku Eegayaa Danyartiina, IL Iyo Ishaarana Way Jirtaayee Isha Danyarta Iyo Habaarka Danyarta Iska ILaaliya .
Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland
Mudane Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood
Hargeisa Somaliland Republic.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker