Turkiga Oo Shaaciyay Inay Gacanta ku Dhigeen Xaaskii Sadaxaad Ee Al-baqdaadi.

Dawlada Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta kusoo dhigeen Xaaskii sadaxaad ee Hogaamiyihii hore ee kooxda Daacish Abubakar al-Baqdaadi, iyadoo hore loo sheegay in weeararkii lagu dilay hogaamiyaha ay ku dhinteen labo kale oo xaasaskiisa ahaa.

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa manta markii ugu horaysay shegay in Dowladdiisa ay gacanta ku dhigtay xaaska hogaamiyihii hore ee kooxda la baxday Khilaafada Islaamka,isagoo sidoo kale sheegay inay horay gacanta ugu dhigeen haweeney ay walaalo yihiin Al Baqdaadi.

Erdogan ayaa Mareykanka ku eedeeyay inay si xad dhaaf ah u buunbuuniyeen dhimashada Al Baqdaadi, isagoo Arimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi;

“Waxaan halka ka sheegayaa markii ugu horeesay in aan gacanta ku dhignay xaaska Al Baqdaadi, balse ma aynaan buunbuunin sida Mareykanka ay u buun-buuniyeen, waxaana sidoo kale gacanta ku dhignay seedigii iyo dumaashidii.”

Talaadadii, Saraakiisha Turkiga waxay sheegeen in la soo qabtay Rasmiya Awad oo la dhalatay Abubakar Al Baqdaadi, ayna suuragal tahay in laga helo sir, iyagoo ka qabtay gobolka Xalab ee hadda ciidamada Turkiga ay maamulaan, taasooa laga dhex helay gaari wayn oo ay kula dhex nooleyd seygeeda, dumaashideed iyo shan carruur oo kale.

Mareykanka ayaa dabayaaqadii bishii hore shaaciyay in hoggaamiyihii dhuumaaleysiga ku jiray ee kooxda la baxday Dowladda Islaamka ee Daacish lagu dilay hawlgal milatari oo ay ka fuliyeen woqooyi Galbeed ee dalka Suuriya.

Abubakar Al Baqdaadi ayaa soo shaac baxay sannadkii 2014, Waqtigaasi oo uu magaalada Mowsil uga dhawaaqay dowlad Islaami ah oo ka shaqeyn doonto waddamada Suuriya iyo Ciraaq, waxaana kooxdaasi Daacish lagu eedeeyay in ay tacaddiyo badan ka geysatay gudaha waddamadaasi, halkaasi oo ay ku dhinteen kumannaan qof.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker