Somaliland garanaye xisbiyada ma la wada leeyahay?

Baryahan dambe xisbiyadeena qaranka ee Waddani iyo UCID waxa ay aad uga hadlaan Somaliland la wada leeyahay ayaan rabnaa. Waa arrin wanaagsan in laga hadlo waayo danta dalka iyo dadka ayaa ku jirta in la helo caddaalad dadka wada deeqda. Anigoo qaddarin badan u haya xisbiyada mucaaradka ah waxan doonayaa in aan maanta runta u sheego. Waa muhiim in xisbiyada mucaaridku dawladda runta u sheegaan oo waliba ay shacabkana u iftiimiyaan wixii ka qaldama dawladda si loo saxo. Laakiin intaanad sheegin takarta maroodiga kale saaran waxa wanaagsan in aad horta eegto takarta adiga ku saaran.

Su´aashu waxa weeye, xisbiyada mucaaridku iyagu caddaalad ma sameeyaan? Jawaabtu waa maya. Xisbiyada qaranku waxa ay xaq u leeyihiin in xisbi waliba uu soo magacaabo hal xubin oo ka mid noqota guddiga doorashooyinka qaranka. Waddani iyo UCID waxa uu mid waliba soo magacaabaa xubin ka soo jeedda beesha hoose ee guddoomiyaha xisbiga. Sidaa daraadeed waa wax lala yaabo ah in ay maalin walba la soo taagan yihiin ”Somaliland lama wada laha”. Somaliland garanaye Waddani iyo UCID ma la wada leeyahay mise waa la kala leeyahay? Jawaabtu waa ta dambe. Waddani iyo UCID bulshada Somaliland xataa kama xishoonayaan marka ay soo sharaxayaan laba xubnood oo isku beel ah. Hoggaamiye xisbigiisa caddaalad ka dhexsamayn kari waayay ma wuxu samayn karaa Somaliland la wada leeyahay. Jawaabtu waa maya. Guddoonka Waddani iyo UCID waxan leeyahay dadka tusa caddaaladda xisbiyada aad maamushaan markaas ayaanu dhagaysan doonaa hadalkiina ah ”Somaliland la wada leeyahay”.

Maqaalkaygani ma aha mid aan ku taageerayo dawladda oo waxan anigu aaminsanahay in ay muhiim tahay in Somaliland la wada yeesho. Waxanan u soo jeedinayaa madaxwaynaha qaranka mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ciddii kale ee isaga ka dambaysa ee maamulka dalka qabata, in xilalka la magacaabayo ay ummaddu iska wada dhexaragto. Waa in aan xilalka loogu kala badsan sida beeluhu ugu kala codeeyeen xisbiga guulaysta ee ay beeluhu si isku miisaaman uga wada dhexmuuqdaan xilalka qaranka loo magacaabayo.

 

Mohammed Ahmed Barkhad (Khadar)
Xisaabiye sare (Senior accountant)
Sweden
waryee@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker