Salaaddii beddashay weriyaha caanka ah ee Axmed Shuqayri

Axmed Shuqayri waxa uu u dhashay Sucuuduga. Waa nin caan ah oo aad looga yaqaan caalamul carabi. Waa ninkii daadihin jiray barnaamujkii Rabadaanta la soo dayn jiray ee la odhan jiray Khawaadir.
Hadda waa qoraa buugaag badan leh, wacigaliye horumarka iyo waxqabsiga in badan ka sheekeeya. Waa nin awoodda saara in uu muujiyo waangga ay leedahay diinta islaamku dadka na jeclaysiiya.
Sheekadan waxa uu ku waxa uu ku qoray buuggiisa la yidhaa 40 maalmood. Buugaas waxa uu qoray mar uu safar afartan cisho qaatay ku tagay Jasiirad yar oo ku taal badweynta Pacific-ga ee bariga Aasiya.
Wax uu yidhi:-
Sannadkii 2001-dii bishii Juun, maalin arbaco ah, goor casar ah aniga oo iska daawanaya tv-ga kaligay ayaa waxa soo galay sheekh ka mid ahaa culimadii caanka ahayd waagaas, oo ka warramaya salaadda iyo muhiimadda ay leedahay. Sheekhaasi ka ma uu hadlayn saaladda iyo waajibnimadeeda ee wax uu ka hadlayay salaadda oo la ilaaliyo in ay ka mid tahay calaamadaha muujinaya in Ilaahay jecel yahay addoonkaas, waliba qofkii shanta waqti masjidka ku tukada (dabcan ragga) in Alleh arrimihiisa oo dhan u fududeeyo oo u baraknayo.
Markii intaa aan dhagaystay ayuun baan go’aan ku gaadhay in aanan shanta salaadood meel aan masjid ahayn ku tukan muddo sannad ah . Go’aankaas waxa igu dhaliyay wacdigii sheekha oo meel i taabtay se wax adduunyo ah oo aan niyadda ku qabtay ma ay jirin, kaliya wax aan dareenmay in aan Ilaahay ugu dhawaanayo oo Allena ii sakhridoono arrimahayga oo dhan.
 Barigaas wax aan ahaa qof is ka caadiya, shirkad yar oo aan lahaa ayaa maamule ka ahaa, yoolkayga ugu weyn wax uu ahaa sidii aan shirkaddaydaas yar u ballaadhin lahaa iyo haddii ay uu suuro gasho in mashaariicda khayriga ah na qayb noqdo. Wax intaa dhaafsiisan marnaba kuma fikiri jirin, warbaahin iyo warkeeda na wax shaqo ah kuma lahayn, xataa kuma niyadda kuma qaban mar qudha.
Go’aankii baan sidii ku bilaabay in aan fuliyo. Salaaddii koobaad ee aan ku bilaabay in aan masjidka ku tukado  waxay salaad casar, maalin Arbaco ah bishii Juun 2001-dii. Si aan leexleexasho lahayn ayaan u joogteeyay masjidka in aan ku tukado si kasta oo aan u mashquulo. Waxa dhici jirtay aniga oo saaxiibbaday turub la ciyaariya in la eedaamo dabadeed aan ka dhex kaco. Aniga oo xaafaddii la qadaynaya in aan maqlo eedaanka oo aan qadadii ka dul kaco. Koobkii adduunka ee sannadkaa socday aniga daawanayaa oo waliba xulka qaranku ciyaarayo dadku xamaasadaysan yahay ayaan maqlaa eedaanka markaasaan aadaa masjidka. Waxa dhici jiray aniga oo ku jira shir ku saabsan shaqadii iyo shirkaddii in la addimo oo aan ku dhaqaajiyo masjidka. Haddii aan saamoleylo habeennada qaar oo goor dambe seexdo iga ma ay hor istaagi jirin in aan salaadda subax u soo kaco oo maasjidka kusoo tukado.
Sidaas ayaan ku waday oo sannad dhan oo ka kooban 365 cisho aanan maalin na ka maqnaan masjidka shanta salaadood. Alleh ayaa aan ku mahadinayaa i waafajiyay ee i garansiiyay.
Go’aankaasi wax uu ahaa go’aan adag, asxaabtaydii na marar badan bay iigu cadhoodeen markaan ka kaco annaga oo sheeko amma hawlo kale noo socoto. Xaafaddayadii baa in taas oo jeer i hiiftay markaan cuntadii oo la soo dhigay is kaga tago ilaa ay marar badan igu yidhaahdeen bilaa edab baad noqtee dadka xaqdhawr, laakiin waxaas oo dhan dheg jalaq u ma siin si kasta iyo xaalad walba oo aan ku jiro ballantaydii aan naftayda la galay ayaa aan oofinaayay.
Haddaba sannadkaas intii aan ku jiray, gisbeddello waaweyn baa noloshayda ku yimi. Waxaa  gaadhay guulo aad u wanaagsan, sidii midiba midda kale iigu sii dhiibaysay ee tallaabo ba tu kale ii gudbinaysay, maalintii ay taariikhdu ahayd 19-kii Juun 2002-dii (bisha bisheedii) ayaa aan ka qayb galay markii koobaad we noloshayda barnaamij tijaabo ahaa oo ku saabsanaa arrimaha dhallinyarada, kaas oo ii noqday albaabka aan galay warbaahinta iyo in aan muuqbaahiyayaasha ka soo daahiro. Ka dib wax aan u sii gudbay barnaamujkii lagamac baxay Khawaadir ( خواطر) ee 12-ka sano socday iyo in aan tv-gii caalamiga ah ee MBC qayb ka noqdo.
Markasta oo aan is weydiiyo amma aan ka fikiro sida aan heerkaa u gaadhay waxa ii soo baxaysay uun sababtu in ay ahayd dedaalkaa aan joogteeyay ee Ilaahay i waafajiyay.
In aan wax u sheego oo wacyigaliyo malaayin qof intaa oo sannadood, oo ka qayb qaato mashaariic khayri ah oo tiro beeshay, oo aan hormood ka noqdo  kobcinta iclaamka carbeed, intaas oo dhammi waa gallad Alleh xaggiisa ka aahaatay sababna ay u ahayd salaaddii iyo masjidkii aan laasimay.
 Guushu kaliya ma aha in aad bulshada magac ku yeelato laakiin sidoo kale waa marks aad nolol deggen oo naruuro leh ku naallooto ee xadhigga Ilaahay na qabsato”.
W/Q Muxiyadiin Axmed Xasan
Kuwait

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker