POLICE KA IYO MILITARY GA MAXAY KU KALA DUWANYIHIIN.

Police ka iyo Military waa laba ciidan oo jiritaanka wadan ilaaliya marka taa laga yimaado mid waxa  loo tababaraa cadawga Xuduudaha wadanka ku soo xadgudba ee soo gala ,Siyaasadda Dawladda ayuu xoog ku ilaaliyaa, waxaa la baraa inuu  dilo cidda  ka soo horjeedda oo aanuu u nixin.  Police ku aad buu uga duwanyey Military ga isna sharcigii wadanka  ayuu  ilaalinayaa waxaana laga horgeeyaa  shacabka ,waxaa lagu tababaraa inaanuu toogan shacabka soo rasaas nool la dhici karin ee uu u waajaho hab saaxiibnimo ula macaamilo ilaaliyo NAFTA iyo adduunkaba laakiin SOMALILAND in badan waxay nu u soo joognay  iyadoo  police ku tooganayo dad aan rasaas ku soo ridayn oo mudaharaadaya ama kuwiiyoo doorasho ku jira oo xabbad lala dhaco iyadoo si qaldan loo maray ciidanka. Police ka adduunka waxaa lagu training gareeyaa dareenka binu aadminimada Military ga  cidda loo diro inuu dilaa kasoo la soo baraa. Markaa  Military ga SOMALILAND  waxaa askarta iyo Madaxda ba ka buuxa  dad military ah oo inay ciddii loo diro toogtaan. Imika  SOMALILAND  laba askari ayaa  horjooge u noqday  khasaare weyn baa  ka soo  socda police ka Miltary gu hoggaaminayo,  micnuhuna wuxuu  u dhacayaa  waa la baabiinayaa Police ka SOMALILAND oo waa  la Military yeynayaa shacabkaanay u taallaa  inay arintaa fahman waayo Baarlamaano  xaalkooda iyo  sharci dejini wey iska tagtay ee dadku waxay uun sii ursanayaan Maqaarsaarka Baarlamaanada lags dhigay.

Police ka Military waa  kala dhaqan waa kala tababar waa kala shaqo waa kala ( location) waa  kala  maskax waa kala ujeedooyin.
Waxaa keliya  uu Muse Biixi Military ga Police uga  dhigayaa waa in shacabku noqdo  ka la tooganayey ee Military ga is waajahayeen.
Military gu siyaasadda Dawladda iyo Xuduudaha ayey ilaaliyaan ciddii joogso hadday askari ku yidhaadaan oo aad joogsan diidid waa inay ku toogtaan sidaasay lagu soo tababaraa laakiin  police ku wuxuu toos ula shaqeeyaa Dawladaha house oo aanay Military shaqo isku lahayn iyo Shacabka oo ilaalibtiisa  police ka lagu tababaraa. Haddii Madaxda Police Military laga dhigo mushkilad weyn baa wadanka kusoo waajahan iyo isfahan la’aan iyo  Amarro military.
SOMALILAND  RAQDA WAXAA KA DHIGAY XUKUUMADDII  SILAANYO  KU XANUUNSADAY, RAQDIIBAY LABADA ASKARI KUSOO HADHEEN ,WAA LABA TUKE ,TALAAOOYINKOODU WAY MUUQDAAN .
WAXAANA AYAAN DHAW IMANAYSA LABADII TUKOW BAL MAXAA TARTEEN DADKII TOOGATEE BAL MAXAA TARTEEN.
 M BASHE
qoranebashe@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker