Maxa sababey innu kacdoonka shacabka Sudaan uga hor najaxo kacdoonka shacabka Aljeeriya ?

Madaxweynihi hore Omar Xasan Albashir wuxu afgambi military wadanka Sudaan ku qabsadey 1989. Soddonka sanadoodna gacan bir ah ayu Sudaan ku hayey, ciddi ka hor timaadana dhegta ayu dhiiga u daray, kuwa uu naxaristana xabsiga ayey liinta ku cabbayeen. Kacdoonno badan aya ka hor yimid muddada u talada wadanka Sudaan hayey, waxaana ugu caansana kacdoonka jabhaddaha xoreynta Darfuur ( Galbeedka Sudaan ) oo ay hoggaminayaan ‘’Sudan Liberation Army’’ iyo ‘’Justice and Equality movement’’ kuwaaso weli xoriyadoodi u halgamaya. jabhadaha xoreynta South Sudaan ( Konfurta Sudan ) oo hormood u tahey Sudan People Liberation Army ( SPLA ) oo aakhirki ku guuleystey iney xoriyadoodi helaan 9 July, 2011. Kaasoo noqdey wadan madax bannaan oo la yidhaahdo jamhuuriyadda South Sudan. Waxa kalo jirey kacdoono kaga yimid waqooyiga Sudan ee Carabta loo yaqaan oo Albashiir kaso jeedo, waxaana ugu caansana kacdoonki 1999 u hoggaaminaayey Siyaasiga uga caansan Sudaan ee la yidhaah Dr. Xasan Al-Turaabi ( AHUN ) oo aha hoggaamiyaha ruuxiga ee Xasan Albashiir inta aanu xabsiga u dirin 1999. Shacbka Sudaan waxa lagu yaqaana shacab xoriyadooda jecel oo kacdoono shacbi oo ay hoggaaminaayaan wax garadka iyo aqoon yahanka hore uu rideen laba kali taliye ( General Cabuud 1958-1964 iyo Jacfar Al Numeri 1969- 1985 ). Haddaba su’ashu waxey tahey muxu kali taliye Cumar Xasan Albashiir doorkan ugu raagey xukuunka Sudaan isago intaaso kacdoon ka hor yimaadeen. Waxaan anigu u nisbeynaya dhawr qodob.

 

  • wuxu gashadey shaadh diimeed isago adeegsanaya diinta Islaamka oo ah diinta aqlabiyad shacabka Sudaan sidu uu helo taageeradooda dagaalka u kula jirey Konfurta Sudaan oo uu badan dad krishtan ah ( Christians ) iyo Cawaan.

 

  • Wuxu adeegsadey Qoomiyadda Carabta oo ah aqlabiyadda shacabka Sudan marku la dagaalamayo shacabka muslimka ah ee tirada yar ee reer Darfur ( tiradoodu wa wax u dhow Hal Million ). Weynu wada maqalney qabiilka Carbeed ee Jan jawiid ee dawladdu hubeyso ee xasuuqa uu geystey qabaa’ilka reer Darfur.

 

  • Si’uu dagaalada iyo jabhadaha iska caabiyo wuxu uu heley dhaqaale xog leh oo uu ka heley lacagta kasoo xaroota shidaal badankisu laga soo saaro konfurta Sudaan oo la bilaabey sosaaristisa 1999.

 

  • Dawladdaha khaliijka ee hodan ku ah shidaalka oo maalgelin iyo deeqo dhaqaale ka geystey Sudaan iyago ka cabsi qaba in dabeeysha kacdoonka shacbi ee Gu’ga Carabta ‘’ Al Rabiic Al Carabi’’ innu u soo gudbo.

kacdoonka shacabka Sudaan ee ugu dambeeyey ee aakhirki galaaftey Cumar Xasan Albashiir wuxu bilaabmey 19 December, 2018. Waxaanu ka kacey marki dawladda Xasan Albashiir joojisey kabisti ay kabi jirtey quuta daruuriga sida daqiiqda, sonkorta iyo alaabaha daruuriga sida shidaalka iwm iyo qiimihi lacagta ( Guine ) Sudaan oo hoos dawladdu uu dhigtey. Arrintaaso dhalisey sicir barar baahsan oo shacabku badankisu wax ba iibsan kari waayeen.

 

La soco qeybaha dambe
Alla Mahad leh.
Eng. Bashe C Gaboobe
Email: gaboobe _3@ hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker