Mareykanka Oo War kasoo Saaray Xaalada Siyaasadeed Ee Somaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa markii u horeysay War Saxaafadeed ka soo saartay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya oo bilihii la soo dhaafay gashay marxalado aan la fileyn oo ka dhashay khilaafka dowladda Federaalka Iyo dowlad goboleedyada iyo Siyaasiyiinta mucaaradka Ah.

 

War saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ku Boorineyso dhammaan dhinacyada Soomaalida inay ka shaqeeyaan dib u heshiisiin siyaasadeed.

 

“Dowladda Mareykanka waxay ku Boorineysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhammaan Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan dib-u-heshiisiin siyaasadeed, iskaashi, iyo midnimo ayadda oo loo maraya wadahadal nabadeed”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka oo ahaa mid kooban.

Sidoo kale waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar wax ku ool ah oo laga dareemayo dhinacyada muhiimka ah.

 

“Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan inay isu yimaadaan oo ay la shaqeeeyan saaxibada Soomaaliya ee caalamiga ah si loo helo nabad, xasilooni, iyo barwaaqo”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

 

Muddooyinkii u dambeeyay Mareykanka ayaa si dhow u Taageerayay dowladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, iyadoo aanay badanaa ka hadli jirin Xaaladaha Siyaasadeed ee hadba soo kordha, iyadoo la xusuusto sida dowladdii hore ay xilli walba xaaladaha siyaasadeed ee dalka uga hadli jireen, waxaana jiray dhaliilo siyaasiyiinta mucaaradka u jeediyeen Mareykanka oo ahaa in danahooda gaarka ay ka leeyihiin dowladda ay kula safan yihiin oo aanay dhex dhexaad ka aheyn arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker