Daawo: Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland Oo Maanta Xilka Laga Qaaday

Mudanayaasha Baarlamanka  Maamulka  Puntland Ee Soomaaliya ayaa maanta  kulan ku yeeshay xarunta golaha wakiilada ee  magaalada  Garoowe ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii Baarlamanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).

Kulanka oo ay  fadhiyeen 53 mudane ayaa 49 xubnood oo kamid ah u codeeyeen xilka qaadista guddoomiyaha, halka 4 xildhibaan ay ka aamustay, waxaana sidaasi xilka looga qaaday guddoomiye Cabdixakiin  Dhoobo.

 

44 mudane oo ka tirsan Baarlamanka ayaa xalay mooshin xilka qaadis ah ka gudbiyay guddoomiyaha, kadib markii ay ku eedeeyeen in uu ku kacay falal jebinaya Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Baarlamanka Puntland.

 

Mooshinka oo sida la sheegay ay dabada ka riixaysay xukuumadda ayaa soo bilowday kadib markii la xallin-waayay khilaaf  ba’an oo in mudda ah u dhexeeyay madaxweyne Deni iyo guddoomiye Cabdixakiin Dhoobo.

 

Balse, xildhibaannada mooshinka keenay ayaa xilka qaadista guddoomiyaha u cuskaday in uu jebiyay qodoba kamid ah Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Baarlamanka maamulka Puntland.

 

 

 

Cabdixakiin Dhoobo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker