Erdogan Oo Maraykanka Ugu Hanjabay Adkaynta Xiriirka Milatari Ee Uu la Yeelanayo Moscow.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku Hanjabay  inuu sii Xoojin doono Xidhiidhka milateri ee kala dhexeeya xukuumadda Moscow Haddii Anu Maraykankau ka Qaadin Cunaqabataynta uu Maraykanku kaga joojiyay   iibka diyaaradaha dagaalka ee muhiimka ah.

Digniinta ayaa imaanaysa ka hor kulanka la qorsheeyaya inuu toddobaadka soo socda dhex maro Erdogan iyo Madaxweyne Donald Trump.

Maraykanka Horeba uga Xanaaqsanaa Isxulufaysiga dhexmaray Wadamada Turkiga iyo Ruushka  imikana Waxaa lagu wadaa in Turkigu Dawladda Ruushka ka Iibsado  diyaaradaha  dagaalka ee ah Noocii u dambeeyay ee Ruushka lagu farsameeyay oo Noocedu yahay Su-35. Wadanka Turkiga ayaa Hore uga Xanaaqsanaa  xulafadiisa reer galbeedka isaga oo ka soo iibsaday nidaamka gantaalaha Ruushka ee S-400.

“Markii aan iibsannay S-400, qofna ma aanan weydiisan [ogolaansho]. Marka, haddii aan go’aan qaadanno waan iibsan doonnaa [Su-35],” ayuu yidhi Erdogan maalintii Talaadada.

Erdogan wuxuu muujinayaa go’aanka ugu dambeeya ee ku saabsan iibsashada diyaaradda Ruushka inay gacanta ugu jiri karto xukuumadda Washington. Wuxuu ugu baaqay Trump in uu xayiraadda ka qaado iibinta diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee F-35 ee loo iibgeeyo Turkiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker