Ragga gaagaaban ma dhib ayey kala kulmaan inay lammaane helaan?

Qoraaga lagu magacaabo Alan Mot ayaa wuxuu dhawaan uu qoray qoraal ku saabsan ragga gaagaaban inay helaan lammaane ay nolosha la wadaagaan fikirkiisa ku aaddan. Fikirka qoraaga oo baraha bulshada uu ku baahiyeyna waxaa ka mid ah: “mar haddii aad tahay nin gaaban 10-kii dumar ah 8 ka mid ah waxay kaaga dhaqaaqayaan marka ay muuqaalka arkaan oo ay ogaadaan inaad tahay nin gaaban.”

Haddaba, dad badan oo fikrka Alan baraha bulshada ka helay isla-markaana akhriyey ayaa iyaguna ka falceliyey. Iyada oo ay dadka qaar gaar ahaanna ragga gaagaaban ay dadka la wadaageen waxyaabihii wanaagsanaa ama xumaa oo ay la kulmeen. Haddaba waxaa isweydiin leh qofka inuu gaabnaado iyo qofka kale inuu jeceyl la wadaago xidhiidhka ka dhaxeeya muxuu yahay? Haddaba qaar ka mid ah ragga fikirka qoraaga ka falceliey aan idinla wadaagno.

“Ragga waxay sheegaan inay ku dhibtoodaan inay helaan lamaane ay nolosha la wadaagaan, anigu laakiin dhibkaasi lama kulmin” ayuu yidhi Robert.

Robert oo u dhashay dalka sweden dhererkiisu waa 1 mitir iyo 50 senti meetir. “Inkasta oo dalka Sweden ragga ku nool ay dhaadheer yihiin haddana wuxuu sheegayaa in aanu weligii dareemin inuu dadka caadiga ah uu ka duwan yahay walow uu gaaban yahay”.

Robert wuxuu sheegay ragga saaxiibbada la ah intooda badan inay yihiin kuwa dhererkooda uu u dhaxeeyo 1 mitir iyo 80 senti mitir ilaa iyo 1 mitir iyo 90 sinti mitir, hase yeeshee uu wax cidhiidhi ah dareemin.

“Arrinta aan ka been sheegi karin waxay tahay in aan mararka qaar ka fekero haddii aan dheeraan lahaa. Ragga ila midka ah ee gaagaabanna waxay sheegaan in aanay helin gabadh ay nolosha la wadaagaan, anigu laakiin wax dhib ah kalama kulmin.”

Waxaa kale oo uu Robert sheegay xidhiidh kasta oo aan dumarka la yeesho in aanu dhib ku ahayn. “in aan la hasaawa wax culeys ah kalama kulmo, inkasta oo ay jiraan dad badan oo u maleynaya qofka gaaban inay wax ka dhiman yihiin. Waxaan anigu soo jeclaaday ama xidhiidh aan la sameystay dumar iga dheer iyo kuwa iga gaaban intaba.”

“Ragga dhererkoodu uu ka hooseeyo 1 mitir iyo 80 seni mitir badanaa dumarku kama helaan” ayuu yidhi Chris.

Chris wuxuu ku nool yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, dhererkiisuna waa 1 mitir iyo 70 Senti mitir. Wuxuuna Chris sheegayaa isaga oo adeeganaya appka ‘OkCupid’ inuu isku dayay inuu helo gabadh uu nolosha la wadaago.”

“Marka hore waxaan sheegay inuu dhererkeygu yahay 1 mitir iyo 70 senti mitir, balse dumarka aan farriinta u diray 20% oo keli ayaa ii soo jawaabay, iyaguna waxay ii sheegeen ninka ragga uu dhererkiisu ka yar yahay 1.80 inuu aad u farxad gelinayn.”

Waxaa kale uu Chris sheegay inuu markale xogtiisa hore gaar ahaan qaybta dhererkiisa uu ku beddelay inuu yahay 1.85, “Si la yaab leh gabdha aad u badan ayaa iigu soo jawaabay inay doonayaan inay nolol ila wadaagaan. Gabdhihi aan farriimaha u dirayna 50% waxay i soo siiyeen jawaab ay iigu sheegeen inay raalli ka yihiin inay nolol ila wadaagaan.”

 

“Gabar hore oo aan xidhiidh lahayn waxay aad u jecleyd ninka gaaban” ayuu yidhi Adrian.

Adrian dhererkiisu waa 1.63. Wuxuuna ka mid ahaa koox dhalinyara ah oo tartanka doomaha yaryar ka qayb qaata. Wuxuuna ka mid ah kooxda dalka Britain u qaadday biladda dahabka tartanka doomaha yaryar ee ciyaaraha Olombikada 1984-kii.

Dhererkeyga dartii wax dhib ah oo aan kala kulmay ma jiro ayuu yidhi Adrian, isaga oo weliba sheegay inuu nasiibkiisa aad u wanaagsanaa marka laga eego isaga oo gaaban inuu xidhiidh la sameysto gabar gayaankiisa ah.

“Saaxibaddey hore waxay u jecleyd ragga gaaban. Inkasta oo iyada dhererkeedu uu ahaa 1.80 hal maalin iyada oo gaabnideyda inay dhib ku qabto ka sheekeynaysa ma maqal ayuu yidhi. Weliba dadka marka ay na arkaan annaga oo wada soconna oo ay nala yaabaan waxay ugu jawaabi jirtay inay iyadu wax dhib ah ku qabin gaabnideyda.”

Adrian wuxuu intaasu ku daray “dadku waxay dhihi jireen inuu dabeecad aad u wanaagsan uu leeyahay mooyee siday raalli ugu noqoto inay nolol la wadaagto. Balse xidhiidhka jeceylka wakhtiyadan casriga ah dumar badan oo dunidan ku nool ragga gaaban ma jecla inay noolal awdaagaan.”

 

By: Khadar Cabdi Muuse

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker