Oodweyne News - Latest Somali News Update

Shirkaddaha Dahabshiil Group oo $150,000 ugu deeqay Dadka Daadadku ku Tabaaleeyeen Beledweyne

Guddoomiyaha iyo Maamulka sare ee Shirkadaha Dahabshiil Group waxay Tacsi u dirayaan eheladda dadka ku waxyeeloobay fatahaadaha Baladweyne, Berdaale Iyo Gedo.  Iyadaoo shirkadaha Dahabshiil Group mar walba u taagan yihiin daryeelka bulshada iyo kaqayb qaadashada gurmadyada deg degga ah goob kasta iyo goor walba oo loo baahdo, sida abaaraha, fatahaadaha, iwm, waxa Maamulka Guud ee shirkadaha Dahabshiil guddoonsaday in si mug leh looga qayb qaato musiibada dabiiciga ah ee ku habsatay dadka ay barakiciyeen fatahaaduhu.

 

Haddaba, Shirkadaha Dahabshiil Group, iyaga oo ka jawaabaya baaqyadaa, kana damqaday dhibta baaxadda leh ee soo gaadhey dadka maatida ah, waxa ay go’aamiyeen in gurmad deg deg ah loo fidiyo qoysaskaasi waxyeelladu soo gaadhey, Waxay Shirkadaha Dahabshiil Group u garteen in gabbood, gasiin iyo agab kale oo qiimihiisu wadar ahaan gaadhayo US$150 000 oo ah wajiga hore lala gaadho barakacayaasha Beledweyne, Berdaale Iyo Gedo.

 

Shirkadaha Dahabshiil Group waxay ugu baaqayaan dadka Soomaaliyeed ee wax haystaa gudo iyo dibedba iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta gurmadka taakuleynta barakacayaasha ay ku habsatay aafada dabiiciga ah, iyagoo usoo marin karo Akoonka ka furan Dahabshiil ee MUQD0052734 ama eDahab 0623258080, waxana maamulaya akoonaddan Gudidda Ganacsatada waaweyn, Culimadda iyo Shirkadda Dahabshiil.

 

Wa billaahi Tawfiiq