Somaliland Iyo Ingiriiska Oo Heshiis Ku Kala Saxeexday Magaalada Hargeysa Iyo Nuxurka Uu Xambaarsan Yahay

Xukuumadda Somaliland iyo Masuul ka socday Dalkaasi Ingiriiska ayaa si rasmi ah u kala saxeexday Heshiis socon doona muddo dheer oo ka qayb qaadan doona horumarka Dalka.

 

Heshiiskan oo ah mid ay isku soo afgarteen masuuliyiinta Hay’adaha Shaqaalaha Dawladda ee labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska ayaa waxa shalay si rasmi ah loogu kala saxeexday xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Magalada Hargeysa.

 

Xaflad loo sameeyey saxeexa heshiiskaasi ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin kala duwan oo ka kala socotay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Machadka Shaqaalaha Dawladda JSL iyo waliba Guddoomiyaha Machadka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Dalkaasi Ingiriiska.

 

Ugu horreyna, Agaasime ku xigeenka Machadka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mustafe Axmed Maxamed, ayaa ka xog warramay ujeedada heshiiskan iyo sida uu ku yimid ba waxaanu yidhi, “Halkan waxaynu u joognaa mashruuc weyn oo ay kala saxeexanayaan Machadka Shaqaalaha Dawladda JSL iyo Machadka ururka loo yaqaano SCH oo iyaguna Ingiriiska ka aasaasan oo xaggaasi tababbaro ka bixiya, waxaanu daba socdaa safar Machadka Shaqaalaha Dawladda iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ay bishii labaad ku tegeen dalka Ingiriiska oo ay casuumad ka heleen oo waxay ku qottantay baahida uu Machadka Shaqaalaha dawladdu uu u heli lahaa cid Machadkan ka caawisa inuu bixiyo tababbarada Ingiriisiga iyo sidii loo diyaarin lahaa Manhaj luuqada Ingiriisiga ku qotanta”.

 

Agaasimaha Machadka Shaqaalaha Dawladda Mudane Guuleed Saleebaan Haggoog, ayaa isaguna faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey heerka Machadka iyo xidhiidhada Caalamiga ah ee uu leeyahay, “Machadka Shaqaalaha Dawladdu waxa uu xidhiidh la leeyahay Jaamicada Shaqaalaha Dawladda ee Dalka Itoobiya, oo aanu halkan shalay xaflad ugu qabaney 24qof oo aanu Waxbarasho sare oo Jaamicadeed ugu direynay dalkaasi Itoobiya si ay uga soo qaataan Shahaadooyinka koowaad iyo labaad, taasoo soo socotay ilaa 2014kii oo kuwii ka soo qayb qaatay ay dalka wax badan ku soo kordhiyeen isla markaana Xilal kala duwan dalka ka qabtay”.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL Mudane Farxaan Aadan Haybe, ayaa isaguna ka warramay ahmiyadda uu heshiiskani u leeyahay Horumarka Dalka Somaliland, “Waxaynu halkan u wada joognaa arrin aad u qaalli ah oo ah in aynu albaabka u furno oo aynu wada saxeeno Heshiiskii aynu ugu talo galnay in aynu waqti dheer ku wada shaqeyno oo ujeedada ka danbeysayna waxay aheyd in aanay noqon wax muddo gaaban oo sanad iyo laba sanadood inta lagu wada shaqeeyo ka dibna la kala tego”. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Heshiiskani waxa uu dhigayaa in la dhiso mugga iyo awooda Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, taasina waxay qaadaneysaa waqti oo waxay u baahan tahay in mar kasta waxa ay durruufta iyo waqtigu inoo yeedhiyaan in aynu ku salleyno sida aynu u dhisayno”.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL Mudane Farxaan Aadan Haybe, waxa kale oo uu sheegay ahmiyadda uu heshiiskani u leeyahay dadka iyo dalka, “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay labada fikradood ee aynu innagu xaqiijinay inay imika muhiim iyo mudnaantooda u yihiin sidii loo dhisi lahaa ee wax loogu dari lahaa dedaalka socda ee ah in dalkani uu horumar gaadho, markaa ujeedada ka danbeysaa waa in uu dalkani tallaabsado oo uu horumar gaadho”.

 

Ugu dambeyntiina, waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Machadka Hay’adda Shaqaalaha Dalka Ingiriiska ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yidhaa ACH, waxaanu Guddoomiyuhu uu sheegay in heshiiskani uu yahay mid ay wada galeen labada Machad ee Dalalka Somaliland iyo Ingiriiska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker