Maxaa Lagu Xusuustaa Ex-Wasiir Maxamuud Xaashi

Dibindaabyada iyo darxumooyinka ka muuqda jamhuuriyada ee musuqmaasuqu kow ka yahay ilaa hadana aynu la tiictiiceyno siyaasiga ku dhuftey ee shilinka ka door bidey soomaliland waa maxamuud xaashi. Maxamuud wuxuu hore u wareejiyey hawada oo waxaynu ka war qabnaa in maanta hawada laga maamulo garoonka aadan-cade Eeriboodh.Maxamuud jamhuuriyada wuxuu ku tabceeyey musuq, Eex, iyo ku takri fal awoodeed oo ilaa iminka gocondhooyinkii uu ka tagay la ildaranyihiin xukuumada iyo shacabkuba.

 

Maxamuud markuu hargeysa imanaayay muu lahayn hal guri oo hoy u noqda sidoo kale waynu naqaanaa mushahaar ahaan {salary} iyo guno ahaanba intey wasiiradeenu u qaataan. Maxamuud maanta waa hantiile is nacay. Guriga uu dagenyahay wuu iibsaday sidoo kale gurigaa wuu balaadhsaday oo reero ka danbeeyey ayuu ka sii iibsaday guryihii ay ku jireen lacagta uu siistey dhulkaas oo dhan waxaa lagu qiyaasaa 1.5 million. Ku darsoo guriga dhisme fooqa ayuu ku daray.

 

Sidoo kale maxamuud wuxuu guri fooqa ka dhisanayaa xaafada masalaha lacagta ku baxda dhismo fooq qofkastaaba miqiyaas waa ku sameyn karaa cadadka ay tahayna waa la dareemi karaa.

Ineynu maanta calanka u luxno oo hadaladiisa weyneyno shaqsiga sidan ah ee ka xishoon waayay shacabka waa Ayaan daro weyn oo nusqaana. Taasna waxay marag u tahay ineynu wali xiiseyneyno qof habeen iyo maalin xoolaheena xada.

 

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Waraabaha ka ciya iyo ka aamusa keebaa daran” hore ayaynu u soo aragney dhurwaanimada maxamuud xaashi dadka maanta durbaanka u tumaaya ee maxamuud odhaahdiisa weyneynayaa waa dad jecel iney iyaguna barri ina musuqmaasuqaan.

Maxamuud corruptions

Cadhod Badar Cadhod

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker