Madaxwaynaha Dawlada Federaalka ah ee Somalia oo maanta furaya Kalfadhiyada lixaad labada Gole ee Baarlamaanka

Muqdisho (OWN) – Madaxweynaha Soomaaliya,Mudane Maxamed Cabdullaahi  Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta lagu wadaa in daah-furo Kalfadhiyada lixaad labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka labada Gole ayaa ka dhaceysa xarunta Booliska Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, iyadoona aad loo adkeeyey amniga xaruntaasi.

Sidoo kale waxaa munaasabadda ka qeyb galaya marti sharaf kala duwan oo uu ka mid yahay guddoomiyaha baarlamaanka dakja Jabuuti, Mudane Maxamed Cali Xumad.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la la filayaa inuu khudbad xasaasi ah ka jeediyo madasha, taas oo uu kaga hadli doono xaaladda guud ee dalka.

 

Ilo ku dhow Madaxtooyada Qaranka ayaa Oodwaynemedia U Xaqiijiyay in Madaxweynuhu khudbadiisa uu ku soo qaadi doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka dowladdiisa kala dhexeeya dowlad goboleedka Jubbaland.

Furtiaanka labada Gole ee Baarlamaanka ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan la dhameeyey khilaafkii ka dhexeeyey labadaasi Aqal.

Kalfadhiyadii 5-aad iyo 4-aad ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa si gaar gaar ah u kala dhacay, sababo la xariira khilaaf markaas soo kala dhex galay labada Gole.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker