Dilalka dhallinyarada Soomaalida Toronto oo kordhay

Soomaalida ku nool magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa dadaallo ay sameeyeen sanadkii hore wuxuu sababay in hoos u dhac weyn uu ku yimaado dilalka dhallinyarada, balse tan iyo billowgii sanadkan 2019-ka waxaa la sheegayaa in tirada dilalka iyo dhaawaca ay kordhayaan.

 

Waxaa ugu dambeeyay wiil dhallinyaro ah oo maalin ka hor lagu dhaawacay xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Weston and Lawrence ee magaalada Toronto.

 

Xogta booliska magaalada Toronto uu daabacay ayaa sheegaya in tan iyo billowgii sanadkan 2019-ka ay dhaceen156 is-rasaaseyn, taasoo sababtay dhimashada 30 qof iyo dhaawaca 172 qof.

 

Walow aanay  jirin xog rasmi ah, haddana Soomaalida waxey rumeysan yihiin in dhibaatada ugu badan ay iyaga soo gaadhay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker