Xaji Cabdi Xariir Cali Alle Hawnxariisto Raggii Ragga Aha Ayuu Kadabo Tagay.

Xaji Cabdi Xariir Cali Alle Hawnxariisto Raggii Ragga Aha Ayuu Kadabo Tagay.

Hadalkiisi Cada Ee Cadaaladdu Lingaxa U Ahayd Iyo Doorkiisi Nabadda Ayaa Lagu Xasuusan Doona..

“Inaa Lillaahi Waa Inaa Illayhi Raajicuun”.

Waxa magaaladda Hargaysa Caasimadda Somaliland,  ku geeryooday Xaji Cabdi Xariir Cali Iid oo ka mid aha odayaasha tirada yar ee ka sii nool haldoorkii kaalin galka aha ee ka soo qayb qaatay dhammaan halganadii kala danbeeyay ee Somaliland soo martay, Xaji Cabdi Xariir Cali wuxuu aha Ganacsade, oday dhaqameed  nabad taliye ah oo caan ku ahaa run sheegnimo, daacadnimo iyo hadal cadaan ay cadaaladdu lingax u tahay.

Xajigu  wuxuu ku dhashay duleedka  Degmada  Daroor ee dhulka Soomaalida Itoobiya, goobta loo yaqaano “Shabeel – duulaa” Xaji Cabdi Xariir Cali  wuxuu dhashay Sannadkii  1925kii, kaalin galkiisi kacaanimo wuxuu u dhaxeeyay Gobolada Togdheer iyo Maroodi-jeex, wuxuuna ganacsi ka aasaasay magaaladda Hargaysa oo uu ku caanbaxay.

Xaji Cabdi Xariir Cali tafiirtiisa uu ifka kaga tagay oo isugu jira wuxuu dhalay iyo  waxay sii dhaleen waxay gaadhayaan  73-Ruux, oo uu kamid yahay Ex Wasiir Bashiir Cabdi Xariir oo xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland.

Maanta ayuu xaqii Alle u yimi Xaji Cabdi Xariir Cali Iid waxaana  lagu aasi-doona Maalinta  Barri oo  Salaasa ah  9-kaa Subaxnimo  xabaalaha Haleeya. Waxa  marxuumka  laga qaadi doonaa haddii Alle idmo Guriga Ex Wasiir  Bashiir  Cabdi  Xariir  oo ku yaala xaafada New Hargaysa kana danbeeya Saldhiga New Hargaysa.

Alle Hawnaxariisto Cabdi Xariir Cali iyo intii Muslin ahba.

Tusan..

Muniir Axmed Cigaal .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker