Aftahankii Caanka Noqday!

Calaamadaha aftahanimada waxa ka mid ah in ay kaa muuqato inaad jeceshahay inaad dadka wax u sheegto, isla markaana ay dadku xiiseeyaan arimaha aad u sheegayso. Inaad si fudud dadka waxa uga dhaadhicisaa oo ay iyagu kugu raacaan ayaa ah inaad tahay qof aftahan ah oo dadka wax ka dhaadhicin kara.  Weligaa ka jawaab su’aalaha ay ku weydiiyaan adigoo degan dhamaantood, markaasi ayay  kugu raaci karaan wixii aad doonaysay inaad u sheegto. Waana arin la baran karo ama uu Allah hibo kuu siiyo inaad noqoto aftahan.

Boqorkii Yamanta waqooyi xukumi jiray Imaam Yaxya Muxamed Xamiid Diin ee xukunka laga tuuray bishii Feberweri 17, sanadkii 1948,  ayaa dhalay wiil aan hadalka aqoon oo aad u khajila, haddana ahaa dhaxal sugaha boqorka. Wakhtigaasi ayuu Boqorku nin Ingiriisa ka codsaday sidii uu uga dhigi lahaa afthan. Ninkaasi markii uu siinayay barashada codkarnimada, wuxu uga bilaabay inuu u khudbadeeyo 100 Digaagood,  ka dibna boqolaal neef oo adhi ah, Fardaha iyo awrta waaweyn ayuu haddana ku siiyay inuu khudbad ujeediyo.

Intaasi ka dibna hablo da’ ahaan ka yar ayuu ku tababary inuu khudbad ujeediyo, hooyooyinka iyo islaamaha ayaa iyagna uu tababar ku siiyay. Wiilkaasi markii danbe wuxu noqday nin aftahan ah oo Carab oo dhan caan ka noqday.  Waxa halkaasi ka muuqanaya in Aftahanimada la baran karo, inkasta oo ay jirto qayb hibo ah. Wakhtigan waxa aad u barta siyaasiyiinta iyo garyaqaanda . Kiniisaduhuna waxay baraan badaariyada.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker