Maafiyo Dadka Sixraysa Oo Lagu Arkay Magaalooyinka Waaweyn Ee Dalka Sweden

Wakaaladda Wararka Ekot ayaa daboolka ka qaadday in kooxda gaangiska ah ee Faaska Madoow ama Black Axe ay ka howl bilowday magaalada Stockholm.

Arrintan ayaa lagu ogaadey warar sirdoon kaddib dacwado iyo xiritaanno baahsan oo ka dhacay Göteborg, waxay haatan booliisku ka digayaan shabakaddan caalamiga ah.

Magaalada Göteborg 15 qofood ayaa dacwad lagu soo oogey, kaddib markii ay wada shaqayn caalami ah yeesheen booliiska iyo kastamada dalal dhowr ah. Waxaa eedaha ka mid ah dembiyo halis ah oo salka ku haya daroogooyinka dabaqadda 1-aad ee herowiinta iyo kookaynta.

Marka la eego nuxurka baaritaanka, sida ay qabto xogta hay’adda kastamada Sweden ee Tullverket, waxay dadkan la qabtay xiriir la leeyihiin Black Axe oo ah maafiyada Nigeria, taasoo sida ku cad warar sirdoon sidoo kale sanadihii dambe makansatay magaalada Stockholm sida uu Lennart Karlsson, sheegayo oo ah madax howleed ka shaqeeya nawaaxiga Klara ee Stockholm.

– Waa isu gayn ka kooban hab-howleed, baaritaanno hordhac ah iyo dad lasoo xirey. Balse sidoo kale waxaa jira xuuraansi sirdoon. Waxaan si fudud isugu gaynaynaa qaybaha hal xiraalahan, ayuu yiri Lennart Karlsson.

Sida ay booliisku sheegayaan kooxdan ayaa adeegsata sixirka loo yaqaanno JUJU ama Voodoo oo aad looga isticmaalo Nigeria, taasoo keentay inay dadka soo gala koonfurta Yurub u adeegsadaan inuu noqdo sidii baqal ay ku qaataan daroogada, waana arrin sidoo kale hablaha ku riixda dhillaysi iyo dembiyo kale, iyadoo qofka loogu hanjabo in sixir lagu dili doono iyadoo la adeegsanayo tin iyo ciddiyo dhibbanaha laga jaray.

Gaar ahaan soo galootiga ka yimaada dalalka Galbeedka Afrika  ayaa marka hore lagu soo jiitaa ballanqaadyo shaqo oo laga siinayo dalka Sweden, kuwaasoo aan jirin sida uu qabo Lennart Karlsson, balse keenta inay dadkaa gacanta ku dhigto kooxda Black Axe oo kaddib ku khasabta inay ka shaqeeyaan howlaha daroogada.

Sida uu sheegayo Karlsson, kooxda Black Ax oo haatan lagu arki karo meelo badan oo Stockholm ka mid ah ayaa waxaa si gaar ah loola xiriiriyay masjid ay inta badan ku dukadaan dadka kasoo jeeda Galbeedka Afrika, gaar ahaan dadka Nigerian-ka ah.

Masjidku isagu howshooda shaqo kuma laha, weliba booliisku waxay qireen in maamulku uu si wanaagsan ugala shaqeeyay sidii loo caawin lahaa dhibanayaasha ka yimid dhanka koonfurta Yurub. Karlsson oo sidoo kale ka hadlaya mudada ay kooxdani ka howl galaysay Stockholm ayaa yiri.

– Asaaska rasmiga ah ee kooxdani wuxuu jiraa muddo 5 sano ah. Waxaan se is maqalnay maamulka masjidka. Waxay xitaa la kulmaan dad marka ay masjidka yimaadaan jamaacada waydiiya xogo ku saabsan sidii ay shaqo ku heli lahaayeen, balse waxaa dibedda masjidka u taagan kooxda Black Axe oo fursado ugu yabooha, ayuu yiri Lennart Karlsson.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker