Oodweyne News - Latest Somali News Update

Hadalkii Odayaasha Garxajis Iyo Madaxweyne Muuse Biixi Oo dhamaystiran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ergedii nabadaynta gobolka Sanaag, ayaa maanta is Af-garad buuxa ka gaadhay soo af-jaridda arrintii buuraleyda waqooyi ee gobolka sanaag muddada ka taagnayd.

Kulan uu madaxweynuhu la qaatay ergadan, ayaa la iskula qaatay in si degdeg ah loosoo af-meero arrinta ka taagan deegaanka buuraleyda waqooyi ee gobolka Sanaag, islamarkaana wada-jir loo taageero nabadda iyo deggenaanshaha gobolka, isaga oo madaxweynuhu danta guud u aqbalay inuu cafiyo  ciidamada ku sugan halkaas  ee faraha la galay falalka liddiga ku ah nabadgelyada isla markaana la qarameeyo.