CODSIGA CAARRE WAA ISLA AQBALEEN ODAYADA DHAQANKA IYO XUKUUMADDA ISKU DOONIDA AHI.

Codsiga cafiska General Caarre odoyada dhaqanka ee Garxajis ee ay Xukuumadda Muse isku doonida saaranyihiin way Isla meel,Dhinaca kale waxaa barbar socda mashruucii dagaalka ceel Afweyne  oo in badan  dabada laga riixayey  isna isbedel siyaasadeed keenay in la joojiyo. Dagaalka Ceelafweyne waxaa in badan waday siysasad ciidan beeleed samaysatay. Isbedel siyaasadeed baa  Xukuumaddii Kulmiye dusha kaga yimi intii Ciidankii sanaag bari u goostay xagga Puntland oo reer u gaar ahayd. Waxaa cali Khaliif SOMALILAND ka  keenay waxay ahayd in Somalia wakhtigii Xassan sheekh  loo diiday dawlad goboleed laakiin imika Sannaag Bari iyo sool iyo Caarre waxaa loo wadawadaa  dawlad goboleed.  Waxaa kaloo iyana pipe line ka soo  jira sida Afghanistan iyo SOMALIA  iyo Alshabaab  wada hadal loo furo.

XUKUUMADDA  KULMIYE markay arkeen dubaha ku soo fool leh inay  talaabada u horaysa  ay qaadan noqotaba inay  dagaalkii Ceelafweyne ee ay shanta  sano wadeen inay soo afjaraan oo labada reer  ee ay dagaalka siyaasaddysan dhex  dhigeen waxma garatadoodii dhinacay la hurinayeen faraha kalabaxaan oo ciidan beeleedka  ay Buurmadaw iyo ina Xaashi wadeen la kala diro.  Oday dhaqameedka  ina Hirsi  qani iyo ina Cabdiqaadir wateenna way Isla qaateen in Caarre la cafiyo cidankana iyagoo Ceergaabo jooga la qarameeyo laakiin  dhawaaqii xalay shaashadaa la inaga tusayey ee dadka  looga dhigayayey arin weyn  wuxuu ahaa  (fague) ee  arin beri horeba  la inoo sheegay bay  ahayd  . Waxaa la soo gaadhay wakhti intaanay dawlad goboleed ka SOMALILAND  laga dhex samayndoonaa iman in Caarre lasoo xero xero geliyo.markay halkaa  marayso wax waliba (cost) buu isu bedelay, Xukuumaddaa  reer  Xaraf na waxay  aaminsantay Waa xoolo, KOL HADDAY XISAAB KUGU TUHMAAN XARAF  LAGUU JIID. Caarre  kharashkii lagu furdaamin lahaa ayaa sidii hoos loogu dhigi  lahaa baa xisaabtiisii lagu jiraa.
Caarre iyo sanaag bari iyo Sool  waa isku mawqif. CAARRE HADA ARINKIISA IYO CAFISKIISU WUU DHANYEY EE WAXAN  LA DUL MARMARAAYAA WAA  KHARASHKII KU BIXILAHAA  WAXAN LA DHOOBDHOOBAYAA.
M Bashe
qoranebashe@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker