Jamaahiirta Real Madrid Oo Xalay Dayacay inay ku Badiyaan Gurigood ,, Cristiano Ronaldo. (Daawo Muuqaal)

Real Madrid ayaa xalay ku fashilantay iney gurigeeda ku hesho saddexdii dhibcood ee ugu horreysay koobka horyaalada yurub , kadib markii ay 2-2 la dhaafi waayeen kooxda Club Brugge, balse jamaahiirta kooxda ka dhisan caasimadda waxaa dib loo xasuusiyay muuqaal ay muddo u xiiseen.

Emmanuel Dennis ayaa xalay laba gool ka dhaliyay kooxda boqortooyada, wuxuuna noqday xiddigii saddexaad ee u dhashay Nigeria oo gool ka dhaliya, waxaa kaga horreeyay James Obiorah oo Kulankii 2002-2003 isagoo ka tirsan Lokomotiv Moscow shabaqa kasoo taabsay, sidoo kale Ayila Yussuf ayaa gool ka dhaliyay kulankii 2004-2005 isagoo ka tirsan Dynamo Kiev.

Sidoo kale goolkii ugu horreeyay ee Emmanuel Dennis wuxuu noqday midkii ugu dhakhsiyaha badnaa ee kooxda reer Belgium ka dhaliso koobka Champions League (9-daqiiqo iyo 9-ilbiriqsi).Intii lagu jiray ciyaarta, xiddiga reer Nigeria wuxuu jamaahiirta kooxda Los Blancos dib u xasuusiyay dabaal daggii uu mar walba garoonkaan iyo banaanka ugu sameyn jiray xiddigoodii hore Cristiano Ronaldo kaas oo 2018 isaga guuray magaalada caasimadda.

Dhinaca kale Emmanuel Dennis wuxuu ballan qaaday ka hor kulanka inuu jirkiisa (Shaabad) ku sawiri doono hadii uu gool ku dhaliyo garoonka Santiago Bernabeu, balse waxaa u suuragashay inuu laba gool ku dhaliyo.

“Santiago Bernabeu, tani waa riyo, dad badan ayaan xitaa ku fakarin iney halkaan imaadaan si ay ugu ciyaaraan, hadii aan gool dhaliyo jirkeyga waxaan ku sawiri doonaa shaabad” sidaas ayuu yiri isagoo kasoo muuqday muuqaal ay kooxdiisa soo dhigtay Youtube.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker