Lionel Messi Oo Ku Guulaystay Xiddiga Sanadka ee FIFA

Lionel Messi ayaa ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka adduunka ee FIFA, isagoo abaalmarinta ku garaacay daafaca Liverpool Virgil van Dijk iyo xiddiga Juventus Cristiano Ronaldo.

Messi ayaa abaalmarinta ku guuleystay ka dib markii uu xilli ciyaareedkii la soo dhaafay Barcelona kula guuleystay horyaalka La Liga islamarkaana qaaday kabta dahabka Yurub ee European Golden Shoe, wuxuu sidoo kale qaaday gooldhalinta Champions League.

Lionel Messi ayaa rikoor markii lixaad ah ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka adduunka ee FIFA, isagoo hore u soo qaaday shan jeer markii ay abaalmarintaan sidoo kale qeyb ka aheyd abaalmarinta Ballon d”Or oo la isku oran jiray FIFA Ballon d”Or.

Waxa uu haatan hal abaalmarin dheer yahay Ronaldo, isagoo ah xiddiga heysta abaalmarinta ugu badan xiddiga sannadka adduunka ee FIFA.

Waa abaalmarintii ugu horeysay ee abaalmarin weyn ah ee uu Messi ku guuleystay tan iyo sannadkii 2015.

Waxa uu abaalmarinta ka qaaday xiddiga sida weyn loogu saadaalinayay ee Virgil van Dijk kaasoo Champions League la qaaday kooxdiisa Liverpool xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Wuxuu sidoo kale ka qaaday Cristiano Ronaldo oo isna xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee horyaalka Talyaaniga qaaday koobak Serie A iyo qarankiisa Portugal uu la qaaday koobka UEFA Nations League.

Messi ayaa sidoo kale abaalmarinta Ballon d’Or oo ay kala baxeen FIFA sannadii 2016 waxa uu mar kale kula tartami doonaa daafaca Reds Van Dijk iyo xiddiga Juventus Cristiano Ronaldo iyo xiddigo kale marka la gaaro bilowga bisha September.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker