Guddoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Intii Uu Xafiiska Uu Joogay Waxa Uu Muujiyay Wax-qabad Baaxad Leh

26/4/2018 ayuu xafiiska Gudoomiyaha Baanka dhexe la wareegay Dr. Cali Ibrahim Baqdaadi,  mudadaas kooban ee sanadka iyo dhawrka bilood ah wuxuu ku guulaystay inuu hoos u dhigo heerka sicir bararka 20%, wuxuu kaga shaqaysiiyay siyaasada lacagta ee loo yaqaano” Monetary policy ” hadii xadiga lacagta ee SLSH ay suuqa ku badato in lagu sameeyo Contractionary monetary policy, hadii ay ku yaraatana lagu sameeyo Expansionary monetary policy. Sidaas daraadeed waxa dib loo soo nooleeyay siyaasadii lacagta eey adeegsan jireen bangiyada dhexe ; taas oo qiimo u yeelaysa Shilinka Somaliland. inta badan nooca sicir bararka soo noqnoqda ee xadhkaha goostay ee mudooyinkii dhaweyd naafeeyay dhaqaalah JSL waxa uu salka ku hayaa qiimo dhac ku yimi shilinka somaliland. Maadama oo baanka dhexe ku guulaystay inuu jebiyo darbigaa qiimana u yeelo lacagta SLSH, isagoo kasoo qaaday sarrifka 1$=10500 slsh gaadhsiiyayna 8370 slsh runtii waa wax lagu farxo in xadigaa intaas leeg hoos loo dhigo.

 

Gudoomiyaha Baanka dhexe wuxuu horumar la taaban karo ka sameeyay Banking system ka somaliland oo inta badan Daraasada culuumta dhaqaaluhu ku sheegi jireen inay tahay “ Fragile Banking system ”. haddaba waa kuwan guulaha la taaban karo ee uu soo hooyay Gudoomiyaha Bangiga JSL DR.Ali ibrahim Baqdaadi mudadii fara ku tiriska ahayd ee uu joogay Xafiiska :

 

1.Gudomiyaha baanka dhexe ee JSL iyo wefti u hogaaminayo oo ka kooban guddi hoosadka dhaqalaha ee golaha wakiilada iyo Agaasimayaal guud ayaa boqasho ku tagay bishii August 2018 Nairobi o ay kula kulmeen Baanka aduunka, wasaarada maaliyada Kenya, iyo safiirka Japan u fadhiya Kenya.

2 Bishii October iyo November 2018 Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland, ayaa casuumad heer,Sare ah ka helay Dhigiisa Dalka Malaysia iyo madaxda bangiyada ee wadankaasi ugu saraysa,Dr.Baqdaadi waa markii labaad ee uu cusuumad noocani ah dibada ugu baxo Wadamada UK iyo Malaysia…. safarka waxa Ku wahelinayay Gudoomiyaha rugta ganacsiga SL iyo Wasiirka ganacsiga SL.

Gudoomiyuhu wuxuu ka helay martiqaad rasmiya haayado maaliyeed oo ka tirsan dalka ingiiriska sida New castle, London, Manchester isagoo lagu soo dhaweyay Calanka JSl. Sidoo kale wuxuu la kulmay masuuliyan ka tirsan machadka caanka ah ee “ London School of Economics ” kuwaas oo Raba inay Cilmibaadhis ku sameeyaan nidaamka dhaqan dhaqaale ee jamhuuriyada somaliland, iyagoo xooga saari doona adeegyada loo yaqaano “ Mobile Banking and e-Money ga ”

3.Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Guud oo 12 February 2019 kulan la yeeshay Michael Rubin oo ah aqoonyahan Maraykan ah oo taageerada iyo ictiraafka Somaliland adduun weynaha kaga hawl galay. Waxaanay xogwaran guud ka siiyeen dhaqaalaha dalka guud ahaan iyo hawlaha u gaarka ah Baanka, iyada oo ay si faahfaahsan uga warameen horumarka, hiigsiga iyo carqaladaha soo wajahay baanka hore iyo intaanu xilka haynay. Waxaanu Guddoomiyahu sharaxay shuruucda gacanta lagu hayo oo kaalin weyn ka qaadan doonta horumarka Baanka iyo dhaqaalaha dalka guud ahaan.

  1. 24 march Madaxwaynaha Jamuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbad Sanadeedka dastuuriga ah ka hor jeediyay labada aqal ee Baarlamaanka ee JSL, Madaxwaynahu waxaa uu khudbad sanadeedkiisa ku soo soo qaatay kana marag-kacay horumarka uu Baanka Dhexe ka sameeyay maamulka Suuqa Sarifka Lacagaha, Waxaana hadalkiisu u dhignaa sidan.

“Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Baanka Dhexe iyo Suuqa Sarrifka Lacagaha oo iskaashanaya, una adeegaya danta Qaranka waxa ay awood u yeesheen in ay sicir-bararka hoos uga soo dhigaan 19.2%, gaadhsiiyaana 7.7% ” .

Waxa sidoo kale la suurtageliyey in qiimaha sarrifka Shillin ka Somaliland uu kor u kaco 15%. Kor-u-kacani waxa uu daganaansho lacageed galiyey suuqyada lacagaha ee dalkeena.”

( Source: Eng Mukhtar Omar Ali )

  1. 26 march safiirka Ethiopia Amb. Sharfaudiin oo booqasho ku yimid baanka dhexe.
  2. 16 April Furitaanka iyo Dhismaha Baanka dhexe ee Magaalada Berbera : March 1973 ayey ahayd markii xadhiga laga jaray Laanta Baanka ee Berbera waqtigaa oo Maamule ka ahaa Madaxweynihii Hore ee Puntiland mudane Cabdiraxmaan Maxamud Faroole , laanta Baanka Ee berbera waxay shaqeenaysay muddo dhan 46 Sanadood , waxaa Alle mahadii ah in maanta Loo dhisay loona qurxiyey Qaab Casri ah oo la jaan qaadaya Heer Baan , waxaan Hambalyeynayaa Guddoonka Baanka ee suura geliyey dhismaha Casriga ee loo dhisay laanta Berbera. “ Cmc Australia”
  3. Guddoomiyaha Baanka dhexe ee jsl mudane Dr Ali Ibraahim Al Baqdaadi oo 28 july gelinki danbe gaadhay magaalada Ceerigaabo ayaa soo bandhigay 20 Gaadid ah oo cusub oo Baanka Dhexe ee JSL u maalgeliyey.

Qalabkan iyo Gaadiidka Cusub oo isugu jira Cagafyo, Iskarogooyinka Waaweyn iyo kuwa yaryar, Booyado Biyood iyo Gaadhi Kalagshar Jayga sameeyaa saaranyahay, taas oo loo adeegsan doono dhismaha wadada isku xidha Togdheer iyo sanaag. Arrintani waxay muujinaysaa tadawurka dhaqaale ee xaga maalgelinta oo uu ku talaabsaday Bangiga dhexe ee JSL.

8 Bangiga dhexe wuxuu kor u qaaday haayadaha maaliyadeed ee gaarka loo leeyay “ private financial institutions, wuxuu keenay siyaasad iyo xeerar furfuran oo soo jiidanaya dadka maalgashadayasha. wuxuu waqti yar gudihii ruqsada ku siiyay shirkada Horn Insurance ee caymiska qaablisan iyo Bangiga ugu faracyada iyo hantida badan dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya “ Amal Bank”

  1. Abuuritaanka fariimo maalin leh oo kor loogu qaadayo ka warhaynta heerka isku bedelka sarrifka taas oo qof kasta oo ku nool mii, Tuulo, magaalo uu si fudud ku ogaan karo heerka isku bedelka / sarrifka shilinka Somaliland iyo US dollarka.
  2. Hargeisa 30- May- 2019 (Baanka Dhexe), Guddi farsamo oo ka kooban Baaanka Dhexe, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Golaha Wakiilada JSL ayaa maanta soo gabagabeeyay Ka talo bixin iyo Isku duba ridka Xeerka Ka hortaga Maydhitaanka Lacagaha iyo Maal galinta Argagixisada ( Anti Money Laundering and Terrorist Financing Act). “ Central Bank Somaliland”

 

Xawaaraha uu ku socdo horumarka Bangiga dhexe ee JSL waa waxaan la inkiri karin, oo uu ubaahan hambalyo cid kasta oo rabta kor ukaca iyo caafimaad qabka dhaqaalaha jamhuuriyada somaliland.

Gudoomiyaha Baanka dhexe la wareegay

Dr. Cali Ibrahim Baqdaadi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker