Wasaaradda Waxbarashada Somalilaan ayaa ku fashilantay in ay Xakamayso Dugsiyada Gaarka loo leeyahay ee Somalilaan. qalinkii A/rahman fidhinle UK.

Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Somaliland oo ahaa 217 dugsi ayaa haatan gaadhay 315 Dugsi ku waas oo isugu jira kuwo Sare/ hoose iyo dhexe oo u kala baxa  78 dugsiyo oo sare iyo 237 dugsi oo isugu jira Hoose / Dhexe iyo 39 ah kuwa boodhinka ah ee la seexdo.Tirada guud ee ardayda dhigata ayaa lagu qiyaasay ilaa 120 kun oo arday.Tirada maclimiinta dugsiyaas ayaa gaadhaya 3500 macalin oo ka tayo iyo tacliin fiican macalimiinta dugsiyada dawalada wax ka dhiga.

Dugsiyadan tirada badan ee gaarka loo leeyahay waxaa lagu dhigaa ilaa iyo 6 manhaj oo kala duwan sida manhajka, Ingiriis, Sudaan, Kenya, masar, Yaman iyoTurkiga . badanka Dugsiyadan ayaan manhajkoodu ku mudeysneyn sida manhajka JSL oo ah 4-4-4 taas oo macnaheedu yahay 4 sano oo dugsi hoose ah, 4 dugsi dhexe ah iyo 4 dugsi sare ah. Qaar ka mid ah dugsiyadaa waxaa maamula dad ajaanib ah oo looga baqanaayo in ay ilmaha la yeeshaan waalidka oo ay maskaxdooda wax kale ku shubtaan. sida dhaqano qalaad iyo diin xag-jirnimo ah oo aan diinta islamka aheyn. Ka dib markii loo kuur galay ee daraasad lagu sameeyey qaar ka mid ah dugsiyadaa  waxaa laga dhawaajiyey in qaar ka mid ah dugsiyadaasi ardeyda qaarkood ay ciqaabaan gaar ahaan dugsiyada boodhinka ah ee magaalooyinka ka baxsan oo iyana  tiradoodu gaadhayso 39 dugsi.

In kasta oo Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ay  Waax gaar ah iyo Agaasime Waaxeed u sameysay kuna dadaashay sidii dugsiyadaa loo xakameyn lahaa ee manhajka dawliga ah loogu soo dabaali lahaa hadana ilaa iyo hada ” Faanoole fari kama qodna ”  Maadaama maamulka Dugsiyadaasi ka madax banaan yihiin Wasaarada Waxbarashada hadana madaxbanaanidaasi maaha in ay waxa ay doonaan sameeyaan waxaana  Maareeyaha dugsiyada gaarka loo leeyahay ku adkaatay in uu qaar dugsiyadaa ka mid ah uu gudaha u galo oo uu kala xaajoodo arimaha manhajka dowliga ah iyo isku jaangoynta waqtiyada fasaxyada  dugsiyada dalka.

Hadaba waa maxay khataraha dahsoon ee ku gedaaman Dugsiyadaas gaarka loo leeyahay ee JSL ?
1- iyada oo laga cabsi qabo in ardeyda dhigata qaar ka mid ah dugsiyadaas in fikirkooda la bedelo oo ay gacanta u galaan macalimiin xag jir ah ama qaar dhaqan qalaad iyo diimo qalaad ku  jiita ardeyda.
2- Qaar ka mid dugsiyadaa ardaydu waxay dhigtaan waxbarasho kala dhiman maadaama mudeynta manhajkoodu ku saleysan yahay 3-3-3 sanadood oo keliya.
3- Ka dib markii la sameeyey u kuur gal dahsoon, lana waraystay arday kala duwan oo ay ku jireen ardey dhaqan celin loogu daray dugsiyadaa gaarka loo leeyahay, ayaa waxay ardaydaasi hayadaha ku shaqada leh Badbaadada caruurta uxaqiijiyeen in ay kala kulmeen Dugsiyadaas oo boodhin ahaa- jidh dil, nadaafad xumo, nafaqo daro, hanjabaad joogto ah iyo hagardaamooyin kale oo aanay qeexin.
4- Nasiib daro dugsiyada gaarka loo leeyahay gaar ahaan Shanta albaadada xidhay ee ajaanibku maamulo may soo marin markii horeba Wasaaradda Waxbarashada iyo wasaarada Arimaha Debeda ee JSL, mana laha qawaaniin iyo  xeerar adag oo lagu dhaqo, Albaabkana kamaba furaan Wakiilada wasaaradda waxbarashada ee howshaa loo igmaday.
5- Maadaama Wasaaradda waxbarashadu hawsheedii ka soo bixi wayday dugsiyadaana ay ka buuxaan ardey sita dhalashada wadamada reer galbeedka,Waxaa ku soo maqan dugsiyadaa qaarkood Hayado caalami ah oo nabadgelyada caruurta qaabilsan, sidaa daraadeed waa in ay dugsiyadaasi taxadar badan sameeyaan oo samaystaan qawaaniin iyo shuruuc cadaynaaya in ardaydoodu gacan nabadgelyo ku sugan yahiin inta ay dugsiyadooda joogaan.
6-Waxay wasaaraddu ka gaabisay in ay dhamaystirto shuruucdii iyo qawaaniintii waxbarashada gaarka ah iyo ta dawliga ahba lagu hagi lahaa laguna dhaqi lahaa.
7-Dugsiyadani marna may soo dhaweyn ku dhaqanka meel marinta manhajka dowliga ah ee JSL iyo dhamaan xeerarka qeexaaya siyaasadda waxbarashada gaar ka ah.
Wasaarada Waxbarashaduna kumay dhiiran in ay yeelato awood ay rusqadaha kala noqonto ku haysta kuwa aan haysana ay ku khasabto in ay qaataan.
8- Dugsiyadani waxay indhaha ka rideen waajibaadkii iyo shaqadii wasaaradda waxbarashada iyo shuruudihii dawliga ahaa ee ku wajahnaa meel marinta iyo fulinta manhajka qaranka JSL.
9- Qaar ka mid ah dugsiyani waxay ilaa iyo hada ay ka biyo diideen in lagu dhigo afka hooyo iyo manhajka qaranka Somaliland.
11-Badanka dugsiyadaasi ma laha nimaad isku dheeli tiran oo lagu kantaroolo waxbarashadooda si loogu kal soo naado manhajyadooda ay ka soo waarideen dalalka debeda.
12- In kasta oo ay lacag badan ka qaadaan ardeyda dugsiyadaasi hadana qaar ka mid dugsiyadaasi ayaa tayada waxbarashadoodu aad iyo aad u liidataa.
13- Hadii aanay wasaaradu dar dar gelin in ay wadashaqeyn buuxda la yeelato dugsiyadaas waxaa dhici doonta in ardeyda dugsiyadaasi ay helaan fursado loogu  ogolaado in ay ku qishaan imtixaanka shahaadiga ah sida horeba loogu tuhmay

14-Waa in Wasaaradu ku khasabtaa in dugsi waliba iska diiwaan geliyo Xeer ilaaliyaha guud si uu ruqsad qaanuuni ah u helo loona helo cid loo raaco hadii dhibi ka dhacdo.

15- Waa in Wasaaraddu kantaroolaan tirada ardayda fasalkiiba fadhiisata, nadaafada dugsiga, tayada waxbarashada iyo tayada gaadiidka ardeyda qaada intaba,

16-  Waa in Wasaaradda Waxbarashadu iyadu yeelataa Jaangoynta Waqtiyada la xidhaayo iyo waqtiyada la furaayo dhamaan dugsiyada JSL oo dhan.

17- Waa in Cashuurta ku waajibtay ay bixiyaan Dugsiyadaasi sida cashuurta sanadlaha ah iyo cashuurta shaqaalahooda.

18- Waa dusgi waliba warbin sanadleh ah oo dhameystiran geeyaa Wasaaradda Waxbarasha si loola socda tayadooda waxbarsho.

19- Waa in Dugsiyada Gaarka loo leeyahay iyo Wasaaradda Waxbarashadu isugu yimaadaan Xayn daabka sharciga iyaga oo ixtiraamaaya xeerarka waxbarashada .

20 – Waa in Dugsiyada Gaarka loo leeyahay ay u hogaan samaan Xeer-nidaamiyaha loo dejiyey ee qeexaaya Siyaasada Waxbarashada gaarka loo leeyahay.

Gunaanad: Waxaa Xukuumada  looga fadhiyaa in ay ka shaqeysiiyo  Qorshaha Shanta sanadood ee  Waxbarashada JSL  ( 2017 – 2021 -ESSP ) kuna falkiso sifeyaashii loo kantarooli lahaa dugsiyada gaarka loo leeyahay, Waxaana laga sugayaa  in ay soo nooleyso xukuumadu xidhiidhkii wada shaqeyneed ee dugsiyada gaar ka ah  iyo wasaaradda waxbarashada. Waana in ay dar dar geliso barnaamijka isku xidhka dugsiyada dawliga ah iyo kuwa  gaarka loo leeyahay si ay isula jaan qaadaan dugsiyada dalku  isuna caawiyaan dhinac kastaba.

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive  Advisor ED BD PA
United Kingdom
London

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker