Xukuumadda Somaliland Ayaa Cambaaraysay Weeraraddii Lagu qaaday Ceelashaddii Sucuudiga

Hargaysa:(OWN)-Warkan oo aanu ka xaqiijinay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland,Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon,waxa lagu sheegay inay Somaliland si weyn uga xun tahay,isl-markaasna ay cambaaraynayso weeraradda dhawaan lagu qaaday Xarumaha Shidaal Soo Saarka ee Dalka Sucuudi Carabiya.

 War-saxaafaddeedkan oo ku qornaa Luuqadda Carabiga,isla-markaasna uu ku saxeexan yahay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland,waxa lagu sheegay in Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah oo ka wakiil ah shacabka iyo Dawladda Somaliland,ay si qalbi-taabad ah ula wadagayaan dhibaatadda ay ku dhibaatadda iyo Khasaaraha ka dhashay Weeraraddaas.

“ waxaanu ka taagan mawqif Cad,kaas oo la mid ah Dawladda aanu walalaha nahay ee Sucuudi Carabiya iyo Shacbigeedaba,waxaanuna kasoo hor-jeednaa Beegsasho kasta iyo waliba waxyeelo lasoo lasoo gaadhsiiyo Dawladaha aanu xidhiidhka leenahay ee ay na kulmiso Xidhiidhka walaalnimo sida Sucuudi Carabiya” ayaa lagu yidhi War-saxaafaddeedka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland.

Waxaanu aragnaa Ficil aan la aqbali karin Guud ahaanba,si yar iyo si weyn,ayaa lagu soo gabo-gabeeyay War-saxafaddeedka.

Dhawaan ayaa Diyaaraddo  aan Duuliyaha la’hayni,waxay weerareen Warshaddaaha Alqiiq ee shirkadda ee Shirkadda ARAMCO ee Ta Ugu weyn Sifaynta Shidaalka ee adduunka,taas oo samaaysay Kala-badh Wax-soo-saarkii Maalinlaha ahaa ee Warshahadaasi,waxaana masuuliyadda Weeraraddaas sheegatay Kooxaha Xuutiyiinta ah ee gacanta ku haya Magaaladda SANCA,kuwaas oo gacan-saar la leh Dawladda IIRAAN.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker