Wasiirka Biyaha Somaliland Ayaa Soo Kormeeray Ceelasha Biyaha Biyaha Ee Magaaladda WAJAALE

Wajaale:(OWN)-Wasiirka Wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland Sulayman Yusuf Koore. Iyo Wafti Balaadhan Oo U Hogaaminaayo Ayaa Gaadhay Dagmadda Wajaale Ee Gobolka Gabilay

Waxaanu Soo Kormeeray Mashruuca Biyo Balaadhinta Ee Wajaale Marshruucaasi Oo Ka Socda Wajaale Ayaa Waxa Wasiirku U Kuur Galaayey Qaabka La Doonaayo In U Shaqeeyo Taasi Oo Baahi Wayn U Qabaan Shacabka Dagmadda Wajaale.

Wasiirka Biyaha Somaliland Ayaa Sheegay In Ay Ku Hawlan Yihiin Sidii Wajaale Loo Wada Gaadhsiin Lahaa Biyo Ku Filan.Halka Imka Qayb Ka mid ah Wajaale Ay Cabaan Biyo Ku Filan Oo Macaan. Waxaanu Wasiirku Balan Qaaday In Ay Ku Dadaali Doonaa Sidii Wajaale U Heli Lahayd Biyo.

Mashruucan Ayaa Waxa U Noqon Doonaa Mid Wada Gaadha Wajaale Marka U Dhamaado Taasi Oo Kor U Qaadi Doonta Baahida Biyaha Wajaale

Dhanka Kale Wasiirka Biyaha Somaliland Ayaa Soo Indho Indheeyey Ceel Biyood Wasaarada Biyaha JSL Ka Hir Galisay Banka Wajaale Mashruuca Ceelkani Oo Aad Ay U Soo Dhaweeyeen Bulshadu.Waxaa Laga Helay Biyo Macaan Oo Wada Gaadhi Doono Dadka Deegaanka Banka Wajaale

Ceelkani Ayaa Waxaa Baahi Wayn U Qabay Dadka Iyo Duunyada Ku Nool Banka Wajaale Waxaa Markii Ugu Horaysay Ku Guulaysatay Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland.Oo Ku Hawlan Sidii Dalka Oo Dhan U Wada Gaadhsiin Lahayd Biyo Ku Filan

Ugu Danbayn Waxaa Soo Dhaweeyey Mashaaricdan Wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland Ka Wado Wajaale.Maamulka Gobolka Gabilay Iyo Wajaale Oo Sheegay In Ay Ku Farxeen Sida Wasaaradu U Wado Shaqadeeda Waxaanay Bogaadiyeen Wasiirka Biyaha Somaliland.Image may contain: 2 people, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, smiling, standing and outdoorImage may contain: 2 people, people standing and outdoorImage may contain: outdoor and natureImage may contain: sky, cloud, grass, outdoor and nature

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker