Sacuudiga oo ku biiraya isbaheysi ka howlgalaya marinada biyaha ee Bariga Dhexe

Sacuudiga ayaa sheegay in ay ku biirayaan  isbaheysiga uu hoggaamiyo Mareykanka,si loo sugo amniga biyo marinada caalamiga ah ee Bariga Dhexe,ka dib weeraro lagu qaaday goobaha laga soo saaro saliidda shiidaalka.

 

Sarkaal u hadlay Warbaahinta dowladda dalka Sacuudiga oo aan la shaacin magaciisa aya xusay in Boqortooyada dalkaasi ay shaacisay in ay ka qeybgalayaan Dhismaha Amniga Caalamiga ee Badaha,iyadoo howlgalada ururkaasi ay horay ugu jireen Australia, Bahrain iyo Boqortooyada Dalka Ingiriiska.

 

Mareykanka ayaa aas-aasay isbaheysi dalal dhowr ah ka dib kolkii la weeraray maraakiibta xamuulka ee qaada shiidaalka,taas oo saraakiil Mareykan ah ay ku eedeeyeen in ay ka dambeeyaan dalka Iiraan,halka dalkasi uu isna beeniyay in uu wax lug ah ku leeyahay weeraradaasi.

 

wasiirka tamarta ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in Boqortooyada ay dhamaadka bisha soo celin doonto wax soo saarka saliida shiidaalka ee lumay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker