Reer dilay gabadhooda oo horseeday jabinta xeendaabka caado dhaqameedka Carabta

Markii gabadh yar la jiifiyay isbitaalka Al Xusneyn ee ku yaalla Daanta Galbeed iyadoo ka jabtay laf-dhabarta isla markaana jirkeeda iyo wajigeedana nabaro kaga yaaleen ayaa dhaqaatiirtu waxay uga dhigenyd billaabidda daweynta dhaawac kale oo argagax leh .

Qof kasta oo halkan jooga wuxuu uu arki jiray qof bukaan ah oo da’yar islamarkana dhaawacyo culus qaba, oo waxay iska ahayd wax caadi ah.

Isbitaalku waxaa uu ku yaallay meeel u dhow magaalada Falastiiniyiinta ee Beytu Laxam, oo ay ku yaallaan xeryo qaxooti oo ciidammada Israa’iil ay dadka ku baaraan.

Balse Sheekada Ghrayeb way ka duwaneyd dhaawacyada caadiga ah.

Waxay isu rogtay masiibo horseeday muddaaharaadyo lagu dalbanaya in durmarka buslahda Falastiiniyinta laga bariyeelo rabshadaha ka dhaca qoyska ee lagu waxyeeleeya dumarka.

“Waxey noqon doontaa bog cusub oo muhiim ah mar walbana waan xasuusan doonaa Israa Ghrayeb,” ayay tiri Randa Siniora, oo ah haweenay reer Falastiin ah oo u dhaq-dhaqaaqda arrimaha haweenka kana shaqeeysa xaruunta sharciga iyo la talinta haweenka.

Protests in Ramallah following Israa Ghrayeb's death (02/09/19)

Wax ka yar muddo labo todobaad ah kadib markii la laga daweeyay dhaawacyadaasi 10-kii bishii Agoosto , Israa waxaa la keenay Isbitaalka mar kale balse xiligaan dhaqaatiirtu waxa kama qaban karin wayna dhimatay.

Maamulka, oo wajahayay culeys ballaaran oo ku aadan sida ay u maareeyaan kiiska, ayaa asheegay in gabadha ay u dhimmatay dhaawac ka soo gaaray nabar madaxa looga dhuftay

Xeer ilaaliyaha guud ee Falastiin Akram al-Khateeb ayaa qabtay shir jaraa’id Khamiistii waxaana uu ku tilmaamay dhibka loo gaystay Israa in uu yahay xadgudub.

Waxaa uu sheegay in loo gaystay xadgudubyo maskaxiyan ah. Seddax nin oo ka mid ah ehelka Israa ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta in ay u geesteen dhaawac horseeday dhimmashadeeda.

Dadka u olaleeya xuquuqda haweenka ayaa sheegaya in ay jirto habacsanaan ku aadan sharciyada dhowraya xaquuqda haweenka reer Falastiin.

“Israa waxay aheyd qof firfircoon isla markaana dhiira galisa haweenka ” waxaa sidaasi BBC-da u sheegay qof ay saaxiibo ahaayeen

” Riyadeedu waxay ahayd in ay caan ku noqto shaqadeeda ” ayuu sii raaciyay.

Israa oo aheyd 21 Jir ayaa Tuuladii ay ku nooleed ee Beit Sahour,oo u dhow BeytaLaxam waxaa ay ahayd qof aad looga garanayay .

Presentational grey line

Waxay ku fiicnayd farshaxanka waxaana ay barteeda Instagram-ka soo dhigi jirtay sawirradooda oo soo jiitay kumanaan taagerayaasheeda ah.

Israa waxaa ay ka soo jeeday qoys uu dhaqanka Carabta ku waynyahay isticmaalkeeda baraha bulshadana waxaa loo arkayay inuu qeyb ka ahaa muranka horseeday dhimmashadeeda.

Waxaa la sheegay in boggeeda ay soo dhigtay sawirka iyada iyo saaxiibkeed oo meel maqaaxi ah shaah ka wada cabbaya, balse markii dambe ay ka saartay boggeeda ka dib cadaadis uga yimid dhinaca qoyskeeda.

Sida laga soo xigtay Warbaahinta gudaha maalmo kadib dhimashadeedii ayaa xubno qoyskeeda ka mid ah waxey u arkayeen in sharaf daro ay ku tahay xirirka ay ninka la lahayd ee ay fagaaraha keentay inkastoo ay raali ka ahaayeen xirirkaas.

Hadal hayska Israa Ghrayeb ayaa ku faafay buslahda dhowr dal oo Carab ah.

Kumannaan kun oo fariimo caddaalad loogu raadinaya gabadhan ayaa lagu daabacay baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter-ka.

Muddahaaraadyo ayaa lagu qabtay dibaedda xafiiska uu Ramallah ku leeyahay Ra’iisulwasaaraha Falastiiniyiinta Maxamed Shtayyeh.

Seedigeed oo la hadlay warbaahinta ayaa laga soo xigtay inuu yiri Jini ayaa galay oo waxay ka soo dhacday dabaqa guriga, sharraxadaasi ayaa ka sii careysiisay dibadbaxayashaa.

Presentational grey line

“Sheydaanka madaxaada ayuu ku jiraa ee jirkeeda kuma jira”, ayuu lagu qoray mid ka mid ah boorarka ay wateen dibadbaxyaal isugu soo baxay Raamallah, taasoo jawaab u ah haadalka ka so yeeray qoyska gabadha.

Xeerilaaliyaha Falastiiniyiinta oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dhimmashada gabadha ay sabab u ahayd jirdil loo geystay, wuxuuna ku sheegay hadallada qoyska gabadha ka so yeeray kuwa lagu marin habaabinayay shacabka iyo baaritaannada socda.

Sheekada Israa inkastoo ay indhaha shacabka soo jiidatay ma ahan mid gaar ah.

Xarunta gargaarka sharciga ee dumarka Falastiiniyiinta ayaa sheegtay inay diwaangelisay sanadkii la soo dhaafay dhimmashada 24 dumar ah oo u dhintay tacaddiyo guryaha ka dhacay gaar ahaan Jiida Gasa iyo Daanta Galbeed.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker