Qarax Lala Eegtay injineero Turki Ah Oo Dhisayay Jidka U Dhexeeysa Muqdisho iyo Afgooye

Qarax miino ayaa maanta barqadii waxaa uu ka dhacay deegaanka Garas-baaley ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay agagaarka Jaamacadda Shabeelle oo u dhow deegaanka Garas-baaley ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa   sheegay in qarax lala eegtay Injineero ka mid ah kuwa dhismaha ka wada wadada xidhiidhiya  magalooyinka Muqdisho iyo Afgooye. waxaana la sheegay in khasaro uu ka dhashay qaraxaasi.

Gaariga qaraxa miino haleelay ayaa waxaa uu ahaa HILUX, waxaana la sheegay inay wateen injineerada dhisaya wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye,kuwaas oo u dhashay dalka turkiga.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in mid kamid ah Injineerada Turkiga iyo laba ka mid ah Askarta ilaalada u ah ay ku dhaawameen qaraxaasi, inkastoo faahfaahin intaasi dheer laga helin.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker