Political Earthquake!! W.Q: Hassan Garnayl

Majalada boqol jirsatay—South China Morning Post (SGMP) waxay ku macnaysay ‘Dhul-gariir Siyaasadeed’ wixii ka dhacay halkii ay daruurtii ugu horaysay ‘Gugii Carabeed’ ka curatay!!.
Ka dib Kacdoonkoodii JASMINE ee heeryadii diktaatooriyada lagu xooray, reer Tunuusiya mucjiso kale ayey doraad dhigeen. Doorashadii horaantii usbuucan looga dareeray, waxa ka soo baxay natiijooyin aan qofna malaysaneyn!!. Waxaa markaliya saaxada laga waayey xisbigii weynaa ee NAHDA (Ikhwaanul-Muslimiin) iyo xisbiyadii dhinaca xukumadda ee R.Wasaaraha iyo Wasiirul Difaacu kala hoggaaminayeen. Reer Tunuus waxay calaamka bareen magaca cusub—waa macallinka sharciga dhiga—waa Qeys Siciid, oo ahaa musharax madaxbanaan. “illeen burkaba bahal kama dayin” dareenka RW Yuusuf Jahid, iyo Cabdifataax Moor oo Nahda u ordaayey, xikmaddaa Soomaaliyeed ayuun buu lagu macneyn karaa.
Siyaasadahaan & dhaqaale ahaan ma muuqata cid uu Qeys Siciid ku tiirsan yahay; ololahiisa doorashada ma dhaafsiisneyn magaalooyinka waa weyn sababo dhaqaale awgeed. Mr. Qeys wuxuu xanxanteeyay quluubta reer Tunuusiya; wuxuu hal-kudhig ka dhigtay “Rabitaanka Shacabka” wuxuu tilmaamay in aanay xisbiyada tartamayaa si dhab ah uga jawaabi karayn baahida ummadda; wuxuu ku sifiiyey xeryo kooxo gaar ah u xidhan, danno gaar ah lagu fushado, aaminsana mabaadii khilaafsan hishiiska bulshada (dastuutka)—wuxuu ku macneeyay dhammaan dhaqanno aan u addeegayn reer Tunuus—isagoo isticmaalaya kalmada “Political Market”. Mar uu la hadlaayey cod-bixiyayaasha wuxuu yidhi: “Qiiro iyo jibbo ka iibinmaayo reer Tunuusiya!!. qorshahaygu doorashadu wuu cad yahay—wuxuu cod dheer ku leeyahay: awooddu waxay la taallaa shacabka. Dhammaanteen waa in aynu u hoggaansanaa dastuurka; ma jirraan wax la yidhaahdo ‘dawlad rayid ah, iyo tu diimeed’ “.
Isagoo dhoolo-caddaynaaya ayuu xafiiskiisa ololaha kula hadlay saxaafadda “Waxay [reer Tunis] daah-qaadeen kacdoon habraac sharci ku yimi. Waa dad xor ah; waa bulsho ilbax ah. Waxay u oomanyahiin wax cusub—hab fikir siyaasadeed cusub. Waan soo dhoweynayaa fikradaha cusub; weynu ka doodi karnaa.” Muwaadin ka fikir ka dhiibinaya wuxuu ka yaqaan ninkan ayaa isna yidhi “Carabidii qadiimka ahyd ayuu ku hadlaa, dad badan baa kaftan ahaa ugu yeedho ‘Robot’ sidda gaarka ah ee uu xigta dastuurka awgeed. Waa nin nadiif ah oo daacad ah, jeclna dalkiisa”.
Wareega labaad ee doorashada waxay ku loollami doonaan siyaasiga ganacsadaha ah ee xabisan, oo wajahaaya eedaymo lunsi cashuureed iyo maydhista lacagta. Xadhiga Nabiil Qarawi, xisbigiisa ‘Waddanaha Tunis” wuxuu ku macneeyay mid siyaasadeed. Mamia, waa hooyo 58tan jira ah oo roodhi gadaysa—iyadoo dareenkaada ka dhiibanaysa xadhiga Nabiil waxay Aljazeer ku tidhi ” wuxuu u xidhanyahay wanaaggiisa—maskiintuu quudin jirray, waanu u lebbisi jirray”. Lofti Bourguiba oo gacana ku lulaaya calanka xisbiga Waddanaha Tunisia, ta kale na ku iibinaaya kalluun, ayaa isna Aljazeera siddan u sheegay ” ummadda jecel, laakiin siyaasiyiintu ma jecla, waana sababtuu u xidhan yahay.”
hassan yousuf

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker