Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland oo Safar Deg Deg ah ugu baxaya Dalka Imaaraatka Carabta iyo Sababta keentay

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa weli ka aamusan hadalkii uu Madaxweyne Biixi ku sheegay in madaarkii saldhiga u ahaa UAE ee Berbera loo bedelay mid rayid ah oo ay wada isticmaali doonaan rayidka iyo ciidamaduba.

 

Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegtay inaanay dawladda Imaaraadka Carabtu ka jawaabin email ay u direen si ay jawaab uga bixiyaan hadalka uu Madaxweynaha Somaliland ku sheegay in garoonkii diyaaradaha ee saldhiga milatari u ahaa UAE, loo bedelay mid rayid ah.

Madaxweyne Biixi ayaa magaalada Burco ka sheegay inaanu laalin heshiiskaas balse ay madaarka wada isticmaali doonaan diyaaradaha shicibka ah iyo kuwa milatariguba.

 

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in isbedelka ku yimid hawlgaladii UAE ee dalka Yemen ay ka wadeen uu saamayn ku yeeshay qorshihii UAE ay ugu tallo galeen saldhiga milatari ee Berbera, waxaana wada hadal ay UAE iyo Madaxweyne Biixi yeesheen la iskula qaatay in madaarka ay wada isticmaalaan diyaaradaha rayidka iyo kuwa ciidamaduba.

Heshiiska UAE iyo Somaliland oo uu la galay Madaxweynihii hore Axmed-siilaanyo ayaa dhigayay in UAE ay saldhigaas Berbera isticmaasho muddo 30 sannadood ah.

Geesta kale Madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa la filayaa inuu socdaal ku tago dalka UAE, lamana garanayo in safarkiisu yahay mid gaar ah iyo inuu la xidhiidho cilaaqaadka Somaliland iyo UAE iyo isbedelka ku yimid madaarkii Berbera.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker